Dhegayso: Dawlada Djibouti oo Eedo culus u jeedisay duuliye Fu’aad Yuusuf oo u Xidhan

Dowladda Djibouti ayaa ku eedaysay nin ka tirsan ciidamada cirka ee dalkaasi in uu doonayay in uu diyaarad kala baxsado Djibouti iyo in uu meel ka dhac u geystay Saraakiil ka tirsan ciidanka.

 

Ninkaasi oo lagu magacaabo Fu’aad Yuusuf Cali ayaa bishii March u baxsaday Itoobiya, hase yeeshee waxaa Djibouti Loo soo gacan-geliyey 20-kii April, sida ay sheegeen mas’uuliyita waddankaasi.

 

Muuqaal aysan si madaxbannaan u xaqiijin Warbaahintu oo la sheegay in uu xabsiga ka soo dhex duubay Fu’aad Yuusuf ayaa muujinayay isaga oo lagu hayo xabsi xaaladdiisa caafimaad ay aad u liidato. Muuqaalkaasi ayaa kiciyey bannaanbaxyo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Djibouti iyo gobolka Cali Sabiix.

 

Haddaba, Xaaladda Djibouti sida ay xilligan tahay Waxay Warbaahintu ka waraysatay  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi Muumin Axmed Sheekh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker