“Shirka berri furmayo ilaa hadda wax aan ognahay oo hadda u fadhino ma jirto”

Madaxweynaha maamulka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xalay lagu soo weeraray hoygiisa islamarkaana uusan ka qayb-geli doonin Shirka la qorsheeyay in uu berri ka furmo xarunta AFISYONI ee Muqdisho.

“Shirka berri furmayo ilaa hadda wax rasmi oo aan ognahay oo hadda u fadhino ma jirto” ayuu yidhi Siciid Deni.
Madaxweyne Deni oo wareysi gaar ah Galabta siiyay BBC-da ayaa sheegay in xalay dowladda Federaalku ay dhinac kasta ciidan ka dhigtay xaruntii Beesha Caalamku ay ku marti-qaaday oo la doonayay in Shirka Muqdisho ka furmo.

“Maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay Amisom tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Ma’da.”

Halkan hoose ka dhagayso.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker