Xildhibaanada Aqalka Senate-ka Maraykanka oo Laalay Dacwaddii Loo Haystay Madaxwayne Trump

Aqalka Senate-ka Mareykanka ee uu Hoggaamiyo Xisbga Jamhuuriga ayaa maanta Cod u qaaday kaddibna laalay labadii danbi ee lagu soo eedeeyey madaxwenye Donald Trump.

 

Xubnaha Aqalka wakiillada ee Dimoqraadiga Hoggamiyo ayaa bishii December Senate-ka u soo gudbiyay laba danbi oo ay ku soo Oogeen Trump oo kala ahaa; ku Takrifalid Awooddeed iyo is-hortaagid baadhitaankii congress-ka.

 

 

Aqalka Senate-ka ayaa dhageystay Qareennada ka socday aqalka wakiiladda iyo waliba Qareennadii difaacayay madaxweyne Trump, waxaana Shalay oo Arbaco ahayd  ay cod u qaadeen labada qodob.

 

52 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka koowaad ee Trump lagu eedeeyay, halka 48 mudane ay oggolaadeen.

53 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka labaad ee Trump lagu soo eedeeyay, halka 47 kalena ay oggolaadeen.

 

 

​Mitt Romney ayaa noqday mudanaha kaliya ee Jamhuuriga ka tirsan ee la saftay mudanayaasha dimoqraadiga kaddib markii “HAA” ugu codeeyay qodobka koowaad ee dhigayay in madaxweynuhu uu ku takri falay awooda.

Go’aanka aqalka Senate-ka ayaa soo afjaraya dacwadda ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker