SIDAYNU U DAWEYN KARNAA DIL DILAACII DOORASHADU KEENTAY?.

Waxaan salaamayaa dhamaan,Shacabka Somaliland gudo iyo debedba,oo aan hubo in uu yahay Shacab dhamaan tii min Galbeed ilaa Bari halka ugu danbaysa huwan sharaf iyo maamuus, taas oo shucuub iyo dadyow badan oo dhaw ama dheeriba inagu majeertaan. Isu tanaasul, isutudhis,iyo inagga oo khilaafkasta oo yimaada kuxalina, isqancin,iyo isutanaasul soojireena abka abna lagu soo caano maalay.Taas oo somaliland kadhigtay,shamac ka ifaya badiba barta iyo Bogcadda ay kutaalo ee Geeska Africa,oo ah meel lagu yaqaano, inta badan in xooga iyo cunfigu kuxoog badanyahay,ayna yartahay, in waxii khilaafa si dhibyar loo xaliyo.

 

 

Intaa hadii aan salaan iyo bogaadintaa kaga soo gudbo,waxaan kaloo salaamayaa Saxafadda xorta ah iyo qalin maalka xalaasha ah,ee qoraalkoodu sootebiyo,warka xaqiiqda ah,iyo xogta dhabta ah ee marba kataagan Wadankeena Somaliland iyo guud ahaanba Caalamka mid dhow iyo mid dheerba. Inta  kamadhan ee kafayow, iskudirka iyo kutidhi kuteenka,iyo waxkastoo dadka iyo wada jirkoodaba kala fogaynaya.

 

Akhriste ma ihi qalin maal, iyo qoraa midna,waxaanse,ahay dareen qore,ama waxaan jecelahay,in aan waxii markaa jira ee taagan,fikirkayga saliimka ah cabiro,turxaan la,aan iyo turqid la,aan. Gaar ahaan,dhacdooyinka waa weeyn ee ay tahay in lays dultaagi karo.

 

Markii Baaqaagu yeedho

Ayaan Boholyoow Gabyaa

 

Bulsho

Hadraawi

 

 

Akhriste hadaan usoo gundo dego dulucda qormadaydan kooban, waxaan donayaa in aan is dultaago, sida ay aniga ila muuqato, su,asha ah,(Dorashadii dhacdaye,Dildilaaceeda see udhaynaa?). Sida su,sha lafteedu fasirayso,jawaabta su,ashani maaha mid fudud,hadana marka aad sii dhuuxdo,maaha wax aad u culus,hadii sida ay tahay loo abaaro. Si ay akhriste hadaba inoogu fududaato,jawaabta su,ashani,waxaan ka ,eegaynaa dhinacyo dhawra,oo kudacal dhabaya,ama lagama maarmaan ay tahay in lataabto.

 

Dhinacyadda tartamayey iyo Xisbiyadda.

 

Markaad dib ugu noqoto ama aad yara milicsato,hab dhaqankii,iyo qabkii uu usocday kanbaynkii Xisbiyadu,waxa uu muujinayey,kala qaybsanaata Shacbka,iyo in aanay jirin,Xisbi,keliya oo tageeradiisu kuqotonto mabda, Xisbinimo,iyo Barnaamij lagu taageero. Lakiin taa bedelkeeda,la isticmaalay,lacag,iyo aflagadooyin,aan loo miidan deyin, waxna laysu hanbayn. Taa oo aad moodaysey Xisbiga iyo Musharaxa miiladda uleh maalintaasu, inaad moodo,in aanu dib cod usoo doonan doonin. Fariinta uudirayaana ahayd,maanta haa berri waxba igama gelin. Waxaa dad badan, oo aan kamidahay umuuqanaysay, in waxii halkaa kasoobaxaa ay noqonayso, kolayba wax aan saafi wada ahyn, hadana waxaan ilaahay kabaryeyney in ilaahay nabad inoogu dhameeyo. Iyadoo la,odhan karo, waa Cunsur kamida , waxyaabaha keenay Dildilaacii Doorashadda.

 

Dawrka Madax Dhaqmeedka iyo Salaadiinta.

 

Hogaanka dhaqanka iyo Saldiinta Somaliland,oo ahaa marar badan waxaynu kufaano,xiliyo badan oo ay adkaatayna inala baxsaday,sida Guurtida,oo in badan ay kamid ahaan jireen hogaan dhaqan oo macruufna ahaa geyigeena Somaliland. Ayaa iyana ay muuqatay, in ay u xuubsiibteen,kuna milmeen Siyaasadda iyo ,in ay marar badan  ladheehan karaayey iyaga oo kooxo kooxo ugu wareegaya,Goboladda iyo Degmooyinka,taageerana uraadinaya,hadba Xisbiga ay ladhacsanyihiin ,ama, musharax reerkooda ahi kasharxan yahay. Waa mid kamida waxyaabaha loo aanayn karo,in Doorashadii inaga shaashowdo oo laaxin inaga galo.

 

Itifaaqiyadii iyo gacan geliskii kulamaanaa ee Saladiinta Barigga Burco iyo Galbeedka Hargaisa.

 

Waxay ahayd dhacdo uguba,gaar ahaan siyaasadda somaliland,gaar ahaana hogaanka dhaqanka,in laba Suldaan,isku waafaqaan, in ay iyaga oo wada jira Xisbi hebel soosaaran,iyo musraxiisa, maaha wax lala yaabo in Suldaan taageero,xisbi ama barnaamijka siyaasiga ah ee musraxa uu markaa taageersanyahay,lakiin waxay ahaan jirtay, wax sir ah oo,qofku keligii go,aan kugaadho,ama hoos laysugu sheego,iyada oo musharaxa kale la,ilaalinayo,dareenkiisa,gar ahaana dhaqanku aad isaga jiro. Si hadhow aan loogu naanaysin. Waxaa taa  iyana barbar taalay,in aynaan mushtamac ahaan ubislaan weli hab Xibiyeedka iyo Xisbinimadda,lakiin ay weli iskuqasan yihiin Xisbiga iyo Qabiilkii ama Reerkii.

 

 

Waxaa oodhan oo is biirsaday,hadii ay keentay,in dorashadii kala aamin kabax ay dhalisay,dakiina,kala fogaysay,maxaa dhaymo unoqonkara,iyo isku soo dhawaansho Umadda iyo shacbka Somaliland ee xariirta ah.Akhriste qariib maaha in uu dadku iskhilaafo,lakiin hadana maaha in uu kugu dheeraado, intuu doonana kaaqaato!.

 

Waxaan doonayaa in aan kusoo afmeero,qormadaydan, dhawr qodob oo aan isleeyahay,ra,yigayga gaaban,bud dhig bay u noqon kartaa,iyo tusaale, in aynu si mugle uga bogsoono dildilaaca doorashadii inagu keentay.

 

  • In Madaxweynaha iyo Xisbigiisu,si Cadaalad iyo sinaansho kamuuqdo,uqaybiyo,dhamaan Boosaska iyo Mansibka Dawliga ah,khaasatan boosaska iyo mansabyaddda
  • In dawladda iyo shaqaaladeehadaba, laga qayb geliyo,Xisbiyadda Mucaaradka ah ,iyadoo laga duulayo,heer qaran.

 

  • In mashaariicda horumarineed,looqabiyo si isle,eg,hadba waxii suura gala,laguna baahiyo dhamaan,Degmoyinka iyo Goboladda Somaliland.

 

  • In la bilaabo lana joogteeyo,Barnaamijyo,hanuunina oo,dadka looga digayo Qabiilka iyo Qabyaalada.

 

  • In hogaanka Dhaqanku, dib isgu noqdo,kana digtoonadaan in ay cid iyo xisbi gaara lasaftaan.

 

  • In Dawladu joogtayso,latashigga iyo lashawrista,Shicibka iyo haldoorka Umadda.

 

  • In madax weynuhu uu qabto jeediyana,free lecture,uu dadka kula hadlaayo,su,aalana lagu waydiiyo,si aan isga iyo dadka cidi ugu dhaxayn had iyo goor.

 

  • In Garsoorka latoosiyo,lana taabo geliyo,si Muwaadinku udareemo,in Garsoorku yahay meeshuu u irkanayey,hadhow.

 

 

9  In dhamaan Dawlad iyo Shacba loo guntado,sidii colaada Ceel-afwayn aynu usoo afjari lahayn,qof walibana waxa uu kubiirin karo ka geysto,lagana fogaado,wax kasta oo arinka uga siidaraya.

 

Intaa iyo inakale hadii aynu kaduulo,waxaa hubaala in aynu degdeg uga soo kaban karo aafadii Doorashadu ina geyeysiisay.

 

 

 

Qalinkii

 

Hussein Farah –Sagal

 

Gothenburg

 

Sweden

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker