Dabkii xalay ka kacay suuqa Ganacsiga Hargeysa ee WAAHEEN Oo la soo gabogabeeyey

Ciidanka Dab-damiska Somaliland oo hadda ku dhawaaqay in ay la soo gabogabeeyey Dabkii xalay ka kacay suuqa Ganacsiga Hargeysa ee WAAHEEN

Dabkii abaaro xalay 8:00 pm ka bilaabmay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa oo goor dhawayd ciidamada Dab-demisku soo gebagabeeyeen.
Ciidamada Dab-demiska caasimada Hargeysa, gobolka Gabiley iyo gobolka Saaxil, booyadlayaasha caasimada Hargeysa, dawlada hoose Hargeysa, ciidamada Qaranka Somaliland, wakaalada Biyaha Hargeysa, Wakaalada Korontada, Cisbitaalka guud,ciidamada Dab-demiska dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo guud ahaan xukuumad iyo shacab Alle mahadii waxaa lagu guuleystay in la xakameeyo dabkaas.
Dabka oo ahaa mid si xawliya ku fidiya ayaa gaadhay qaybo badan oo suuqa ah, iyadoo caqabadaha ugu waaweyn ee daminta dabkaasi ay qayb weyn ka ahaayeen waddooyinka laga soo galo suuqa oo ah kuwo aan gaadiidka Dab-demisku mari karin, goobaha ganacsiga oo ahaa kuwo isku raran ah iyo buuqa dadweynaha oo aad u fara badnaa.
Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili iyo guud ahaan Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa heegan buuxa ka galay xaaladan gurmadka, waxaana ugu dambayn ciidamadu ku guuleysteen xakamaynta iyo daminta dabka.
Dhaawacyo fudud ayaa soo gaadhay ciidamada Dab-demiska iyo dab shacaba oo ku jiray gurmadka, waxaana lagu dabiibayaa cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa. Mana jirin dhimasho iyo dhaawacyo culus.
Sababta dabkan dhalisay waxaa gacanta ku haya ciidamada Booliska gaar ahaan qaybta baadhista.Dhanka kale waxaa iyadana gubatay hanti badan oo gaadhaysa Malaayiin doolar.
Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo soo gaadhay suuqa weyn ee Hargeysa, ayaa halkaa uga mahadceliyay xukuumad iyo shacab sida weyn ee loo gurmaday, waxaanuu madaxweynuhu ballanqaaday in Hal Milyan oo dollar xukuumadu ugu deeqday bulshada masiibadu ku dhacday si hawshaa gurmad ee Qaran loogu sii bilaabo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker