Ciidamada FBI-da Oo Baadhaya Fariimo Hanjabaad ah Oo Loo Diray Xildhibaanad Ilhan Omar.

Ciidamada Federalka ee dalka Maraykana ee FBI ayaa la sheegay inay eegayaan Farriin Nacayb daran oo lala beegsaday Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad Somali-Maraykanka ka tirsan Kongareeska Maraykanka.

 

Hay’adda Dembi-baadhista Maraykanka ee FBI-da waxay sheegtay inay ku raad-joogaan qoraal Hanjabaad iyo Nacayb ka muuqdo oo loogu hanjabayo in Ilhaan Cumar la dili doono.

 

FBI-da waxay sheegeen in Qoraalka Hanjabaadda lagu qoray derbiga Suulli ku yaalla Kaalin Shidaal, isla markaana ay baadhitaan ku hayaan Nin lagu tuhunsan yahay inuu qoray Farriintaasi.

 

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Barayn Raynis ayaa la sheegay inuu bishii hore ee Feberaayo 22-dii joogsaday Kaalinka Shidaalka ee derbigiisa qoraalka loogu hanjabayo Ilhaan Cumar lagu qoray.

 

Eedeysanaha oo lagu tuhunsan yahay Farriintaasi inuu la beegsaday Ilhaan Cumar isagoo qoray farriinta, maadaama ay iyadu tahay Muslimad, Madow oo Qaxootinimo ku gashay Maraykanka.

 

Waxada Hay’adda FBI-da ee magaalladda Minneapolis waxay sheegeen inay ku baraarugsan yihiin Qoraalka la soo dhigay Barta Bulshadda ay ku xidhiidhaan ee Instagram.

 

Bilowgii Isbuucan, Ilhaan Cumar waxaa lala beegsaday Muslim-nacayb kale, iyadoo la soo bandhigay Sawir si been abuur ah loogu sheegay inay ku lug lahayd Qaraxyadii bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii ka dhacay dalka Maraykanka.

 

Xildhibaanad Ilhan Omar.

 

 

Source: https://www.mprnews.org/story/2019/03/02/fbi-investigating-graffiti-targeting-ilhan-omar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker