Maxaa lagu xasuusan doonaa Doorashadii ka qabsoomtey Soomaliland 2021?

Somaliland oo ku caana maashey deganaan iyo kala dambeyn iyo weliba
 
Doorashooyin xor ah oo Dadka reer Soomaaliland ay u muujiyeen Caalamka 
 
in ay yihiin Dad aaminsan Diimuqraadiyadda iyo Hanaanka xisbiyadda badan.
 
Hore waxa uga qabsoomey Somaliland  Doorashooyin u dhacey si xor ah,
 
waxa xasuus mudan in 2010 ay qabsoomtey Doorashadii Madaxtooyada loogu tartamaayey,
 
uuna ku guuleystey Xisbiga Kulmiye oo markaa xisbul  mucaarad ahaa.
 
Waanan wada ognahey sidii xaragadda laheyd ee Xukuumaddii markaa jirtey
 
iyo madaxweyne Daahir Rayaale u aqbaleen Natiijadda.
 
Sidoo kale maanta Doorashada qabsoomtey waxa lagu xasuusan doonaa 
 
Madaxweynaha iyo Guddida Kommishanka qaranku oo muujiyey dhexdhexaadnimo, 
 
Runtiina Guusha Doorashadani Ogolaashaha Eebe kadib ay madaxweynaha iyo
 
Komishanka  Qaranka ayaa iska leh .Dhexdhexaadnimadaa aan looga baran Doorashooyinka                                                                                                                                    
ka dhaca inta badan Caalamka dunida saddexaad ayey muujiyeen taasina waxey sobotey  
 
in ay Xisbiyadda mucaaradku  ku guuleystaan Kuraasidii Golayaasha ee loo
 
 tartamaayey badankooda oo ay Dadku sidaa u codeeyeen.
 
Waxase Guuldareystey Qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda hadda ka
 
mid ah oo si qeyrul masuul ah oo u eg tabihii kaliddii taliyihii Stalin ku dhaqmey.
 
Dadka wey u caga juglenayeen, xidhxidhayeen ,cabudhinayeen iyo weliba
 
iyakoo farayey Odayaasha qabiilooyinku in ay Habaaraan 
 
Xildhibaanadda Xisbiyadda Mucaaradka ah ka tartamaya, 
 
aakhirkiina Xisbul xaakimka dhaxalsiiyey Guul darro aanu ka Istaahilin Shacabkiisa.
 
Madaxweyne Ragaa haddii ay Xukuumadda kasii mid ahaadaan waxey ku noqon 
 
bar madow iyo magac dil Doorashadaa sida quruxda badan aad u agaasinteen.
 
 
Abdi Elmi Jama

cilmi91@yahoo.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker