Wasiiradda Haweenka Somalia oo Iska Difaacday Eedayn uga Timi Baarlamaanka

Muqdisho(OWN) – Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya, Marwo Deeqo Yaasiin ayaa markii ugu horreysay si faah faah-faahsan uga hadashay sharciga Galmada ee dooda ka dhex-dhaliyey Golaha Shacabka.

 

Wasiir Deeqo oo wareysi gaar ah siisay Shabelle TV ayaa marka shaaciysay in sharcigan uu muddo labo sano ah uu horyaallo baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana xildhibaanada loo qeybiyey bishii Septermber ee sanadkii la soo dhaafay 2018-kii.

 

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay sugayeen ka wasaarad ahaan in aqrinta koowaad uu baarlamaanku mariyo sharcigaas, kadibna loo yeero si ay faah faahin uga bixiso, balse waxa ay caranka ku dhuftay in aysan taas dhicin, sida ay hadalka u dhigtay.

Deeqo Yaasiin oo hadalkeeda sii wata ayaa sheegtay in muddo kadib ay maqashay in bishii Augusto ee sanadkan uu markale ka doodayo Golaha Shacabka sharci la yiraahdo Galmada, kaas oo ay tilmaamay in wasaaradeeda aysan gudbin, shaqana aysan ku laheyn.

“Ka wasaarad ahaan shaqo kuma lihin sharcigaas Augusto sanadkan ayaa Golaha Shacabka waxaan maqlay sharci Galmo la yiraahdo in la keenay baarlamaanka xildhibaanadiisuna ay iska diideen, laakiin waxaa ku sheegaa sharciga Galmada ma’ahan sharci aan annaga Golaha keenay”.” ayey tiri wasiirka haweenka xukuumadda Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay in sharcigan la siyaasadeeyey, islamarkaana ay ka dambeeyaan dad leh dano siyaasadeed.

“Waa la siyaasadeeyey xeerka Jinsiga, dadkii siyaasadeeyey ilaah ayaan ku daayey” ayey markale tiri wasiiraddu.

Marwo Deeqo Yaasiin oo ka jawaabeysay dhaliilaha xoogan ee loo jeedinayey maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in la shaqsiyadeeyo shacriga dambiyada jinsiga oo ay sheegtay inuu yahay sharcigii xukuumadda Soomaaliya.

“Sharcigaan ma ahan sharciga wasiiradda, sharciga dambiyada jinsiga waa sharciga xukuumadda.” ayey sii raacisay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay dooda badan ka dhalatay sharciga Galmada oo la sheegay inuu ka hor imaanayo Diinta Islaam, waxaana si weyn uga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker