Saraakiil ka tirsan ciidamada DF oo xabsiga la dhigay iyo Bashiir America oo digniin soo saaray

Muqdisho (OWN)-Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa sheegay in xabsiga la dhigay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska, kuwaasi oo loo heysto inay qeyb ka ahaayeen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay ciidamo ka tirsan booliska iyo meletariga Soomaaliya ayaa ku dagaalamayay degmooyinka Shibis iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada dagaalamay ayaa sidoo kale waxay kala qaateen qoryo badan, taasi oo keentay in dagaalo ay ka dhacay agagaarka Isgoysyada Maanabooliyo iyo Baar Ayaan, waxaana kadib ciidamada kala dhex galay saraakiisha ciidamada Booliska iyo Meletariga.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed (Americo) oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda iyo saraakiil ciidan loo xiray isku dhacyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Waxaa uu taliye Bashiir Ameriko digniin u diray ilaalada Madaxda Dowladda, waxaana uu sheegay in lagula xisaabtami doono dagaalada dhexmaraya Ciidamada ilaalada u ah iyo kuwa howlgalada ka wada Muqdisho.

Markii Magalada Muqdisho ay ku wada dagaalamaan Ciidamada dhexdooda ayaa khasaaraha ugu badan waxaa ay gaartaa dadka Shacabka ah ee ku sugan Goobaha lagu dagaalamay taas oo aysan jirin cid wax iska weeydiisa.

Sidoo kale taliyaha ciidamada booliska ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada kale uu kula dardaarmayo inay xakameeyaan waxyeelada shacabka ay u geystaan ciidamada ilaalada u ah iyo kuwa la dhigay xarumaha Isgoysyada ah.

Todobaadkaan Muqdisho waxaa ka dhacay seddex dagaal oo u dhaxeeyay ciidamada Booliska iyo meletariga Soomaaliya, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac gaaray dhinacyada dagaalamay.

 

 

BY Suxufi Sinyooore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker