Is garab dhigga awoodda Militry ee quwadaha Maraykanka iyo Iran

Waxa kor u sii kacaya xiisadda ka aloosan gacanka Carabta iyo Marinka Hormuz ee u dhaxaysa Waddamada Maraykan iyo Iiraan waxayna xaaladdu cirka isku shareertay ka dib markii ay Ciidamada maraykanku duqayn xagga cirka ah ku dileen Generalkii awoodda badnaa ee lagu naanaysi jiray “Generalka Dahsoon” Ge/Qassim Sulaymani.

Haddaba iyadoo hanjabaadaha labada dhinac ka imanayaa waa Maraykanka iyo Iran e ay sii kordhayaan waxaynu isku dayaynaa bal inaan is garab dhigno Awoodda Ciidan ee ay leeyihiin labada waddan,iyadoo awoodda Runta ahi tahay awoodda Ilahay (SWT).

 

Is garab dhigga awoodda Military ee quwadaha Maraykanka iyo Iran
TX  Waddanka Maraykanka Iran
1 Darajada Quwada Addunka 1aad 13aad
2 Bedka dhulka 9,826,675 sqkm 1,648,195sqkm
3 Tirada dadka 326,625,791 82,021,564
4 Dadka shaqayn kara 4,220,000 1,400,000
5 Militariga diyaarsan 1,281,900     534,000
6 Ciidanka kaydka ah     801,200      400.000
7 Miisaaniyadda Difaaca $647,000,000,000 $6,300,000,000
8 Diyaaradaha dagaalka 13,362 xabbo     505 xabbo
9 Garoomada diyaradaha 13,513      319
10 Taangiyada dagaalka 5,884 xabbo      1,650 xabbo
11 Gawaadhida gaashaaman 38,822 gaadhi       2,215 gaadhi
12 Madafiicda iswadda       950 xbbo          44 xabbo
13 Madaficda la jiido        795 madfac       2188 madfac
14 Madaficda PM ka         1,197        1533
15 Marakiibta Dagaalka        415 markab         398 markab
16 Maraakiibta Diyaaradaha xanbaara        20 Markab             0
17 Marakibta Gujisyada        66 Markab          33 Markab
18 Maraakibta weerarka ah         75 Markab           5 Markab
19 Doonyaha dheereeya           0           3 doonyood
20 Marakiibta dheeraysa           0            6 Markab
20 Madaxyada Gantaalaha Nuclearka          6500 madax            0

 

Waxa xusid Mudan Dalka maraykanku wuxu ahaa waddankii ugu horreeyay ee Nuclear u isticmaala dagaal military  laga soo bilaabo sannadkii 1945kii Maraykanku wuxuu ahaa dalka hoggaminta xagga Nuclearka haysta waxayna tijaabisay tiroba 1054 goor.

Haddaba 1960s kii markii dagaalkii qaboobaa ee Maraykanka iyo Ruushka ka dhexeeyay uu socday Madaxyada Nuclearka ee maraykanku haystaa waxay gaadheen 70,000 oo madax,markii ay soo bexeen heshiisyadii dhimista Hubka halista ah tiradaasi waxay hoos ugu soo dhacday 6500 oo waxay sheegeen inay intii kale Bur buruyeen,hase ahaatee xogaha runta ahi waxay sheegayaan in tirade rasmiga ah ee uu Maraykanku Bur buriyay ay tahay 1600 oo madax oo keliya lakin intii kale ay qarsanayaan.

 

Tixraac;

https://armedforces.eu/compare/country_USA_vs_Iran

 

Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR

Khadarsalaan@gmail.com

063-4101213

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker