Warqad Furan — Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland

Mudane Madxweyne, Si la ogyahay dalka waxa ragaadiyey Musuqmaasuq baahsan, kaas oo galay dhamaan ilihii dhaqaalaha ee dalka, Musuqmaasuqaasi waa mid Xididaystey oo naafeeyey horumarkii iyo dhaqaalihii dalka, keenayna in Adeegyadii dadweynahu ka sugayeen dawladooda uu gaabiyo ama la waayo, Adeegyadaa assasiga, iyadoo Ilihii dakhli loo gacan geliyey shakhsiyaad gaara,

Madaxweyne, Talaabada aad qaaday ee Ilihii dakhliga dalka aad ku soo celisay gacantii dawlada waxay shacabkii ku beertey yididiilo, iyo Inaad ka rumaysay balan qaadkaagii ahaa in aad musuqmaasuqa aad cidhib tiri doonto adigoo balan qaaday inaad ka bilaabayso dawlada madaxdeedaada ugu sareysa sida Wasiirada iyo madaxda hayadaha dawlada,

Madaxweyne waxaad balan qaaday in Isla xisaabtan buuxa aad hirgelin doonto, iyadoo masuul qaran oo kasta lagala xisaabtami doono, xilalka uu umuda u hayo si aanu ugu takri falin hantida dadweynaha, xilka uu umada u hayana aanu si qaldan u isticmaalin (Power Abuse),

Madaxweyne meelaha uu musuqmaasuqu aafeeyey waxa ka mida dawladaha hoose ee dalka, iyadoo ayna jirin cid la xisaabtanta, siday doonaan ayay ugu  takri faleen Cashuurtii dadweynaha laga ururiyey, waxay lunsadeen dhulkii danta guud ahaa ee laga dhisi lahaa adeegyada bulshadu u baahan tahay, sida, school lada, Saldhigyadii booliska, MCHs iyo xarumihii Dabdemisyada,

Sida la Ogyahay, golaha Baarlamaanku waxa uu Guddi u saaranay in ay daba gal ku sameeyaan musuqmaasuqa baahsana ee dalka ka dhacay, si ugu yaraan loo ogaado xubnaha iyo masuuliyiinta ku takri falay hantidii umaddu wada lahayd cadaalana loo horgeeyo.  Runtii waa talaabo wanagaasan oo loo qaaday xagii horumarka iyo dawlad wanaaga (Good Governance and accountability), talaabadani waxay dib u noolaysay rajadii iyo riyadii dadweynahu qabeen oo ahayd in mar uun la arko ama timaado Dawlad gacan bir ah ah wax kaga qabata musuqmaasuqa, cadaaladana horkeenta cid kastoo si sharci daro ah ku lunsatay ama u boobtey hantidii dadweyna iyo khayraadkii dalku lahaa.

Mudane Madaxweyne, Waxaan kuu soo jeedinayaa 2 qodob:

1.   In aad Magacowdo Guddi heer qaran ah oo la dagaalanka musuq-maasuqa,( anti-corruption commission), Gudigaas oo aad  awood buuxda U siiso in cid kasta oo tuhun musuqmaasuq galo baadhaan, Gudigaas oo madaxweynaha hoos timaada, si ay u dabagalaan dadka hantidii umadu wada lahayd sifo sharci daro ah ku qaatey

2.   la dagaalanka musuq-maasuqu waa in uu noqdaa olole joogto ah oo xididada loogu siibayo Musuqmaasuqa iyo hanti lunsiga, Madaxweyne,talaabada aad qaaday waa mid dadwynuhu ku diirsadeen kunuga Bogaadiyeen, Waa In  aanay kaa noqon olole mar uun la qaaday, Balse uu noqodaa olole joogto ah si Gacanta dawlada lagu soo celinayo dhamaan Ilahii dhaqaale ee dadka gaarka ahi haysteen,  Ilaha dhaqaale ee gacanta dawlada ku soo noqday waa in aan dad kale la siin ama loo gacan gelin, .

Dr. Ali Hassan Hersi Economist

Tel”0634233348

Email: Ali.hassan.mrmo@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker