WAA MAXAY SIYAASADDA GASHAY QALBI DHAGAX

Intii uu xukunka qabtay Madaxweyne Muuse Biixi waxyaalo yaab leh ayaa soo baxaayey.  Hadda waxa cad in madaxweynuhu ergo u diray ninkii dhowaan xabsiga Ethiopia  laga sii daayey ee Qalbi Dhagax oo ku sugan Nairobi.  Nikaasi waxa hor u arkay Faysal Cali Waraabe oo ku casuumay inuu soo booqdo Somaliland, waana arrin aan wax dhib ahai ku jirin.

 

Waxase yaab leh in madaxewynihii dalkan loo dooraty uu isna ergo u diro. Waxa telefishanada laga daawaday saddex xubnood oo kala ah wasiir, wasiir hore iyo afhayeenkii mdaxweynaha oo dhamaantood ah niman dhalinyaro ah  oo siyaasada layli ku ah oo la fadhiya Qalbi dhagax. Is weydiinta ugu badan ee hadda taaganina waxay tahay waa maxay siyaasadda gashay QalbiDhagax.  Haddii ay madaxweyne kaa tahay waxaan ku xumaynayaa Madaxweyne Farmaajo, waa habow siyaasadeed waana arrin khaldan oo aan aad looga fiirsan.  Danta Somaliland waxay ku jirtaa in lala hadlo Farmaajo iyo Kheyrre  ee maaha in Qalbi Dhagax oo ah Somali Ethiopian la wadwado.   Aad uga fiirso arrintan madaxweyne, umana dhiganto tii ay dawladii hore samaysay ee In Boore iyo Ismaciil Cumar Geelle la isku xoqay oo dhalay mashruucii kaa hoos baxay ee  “Madaxweyne la Afur Maxbuus” oo fadeexad weyn Somaliland ku noqday.  Haddise ay madaxweyne  kaa tahay Faysal ayaan kula tartamayaa, waxay muujinaysaa kalsooni darro aad u weyn waana ayaan darro inagu soo korodhay.

 

Waxa iyana soo baxay war runtii yaab iyo naxdinba leh oo uu agaasimaha guud ee wasaardda Ganacsigu habeenkii xalay ka sii daayayey saxaafadda  oo ahaa inaanu mar dambe jiri doonin suuq xor ahi qiimaha alaabtana la xididi doono (price control).  Warkaasi runtii walaac kale ayuu soo kordhiyay iyado horeba la isu weydiinayay qaramayntii (nationalisation) ay xukuumadu bilowday.  Madaxdweyne mar kale arrintan aad uga fiirso.  Madaxweyne waxaad ku ololnaysay “horaa loo soconayaa” waxase la moodaa inay isu bedeshay “dibaa loo noqonayaa”.   Qiimaha waa in loo daayaa inuu gooyo suuqa xorta ahi, dawladuna waa inaanay faragelin ganacsiga. Waa la soo dhaafay xilligii dawaldu wareegto ku xadidi jirtay ascaarta allaabta.  Taasi laba waddan oo kei ah ayay caalamka ku hadhay – North Korea iyo Cuba.  Haddii warka agaasimaha guud saxaafada mariyey uu ahaa mid isaga ku kooban iyana werwerkeeda ay leedahay maadaama ay tusayso dawlad kala socota oo nin toocsi ka muuqo.

 

 

 

Somaliland ha jirto oo ha joogto

 

Abokor Saalax Baruud

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker