War Deg-Deg Ah Dowladda Soomaaliya Oo Hadda Ka Hadashay Xadhigga Mukhtaar Rooboow.

Muqdisho-(OWN)-War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarrada Amniga gudaha xukumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay xadhigga Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo goor dhaw laga soo dajiyay magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Rooboow uu dhagaha ka fureystay digniin is daba joog ah oo uga imanayay dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowr jeer oo hore uga digtay in uu isku soo taago xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, dhinaca kalana bilaabay sida ku cad qoraalka Wasaarradda falal ka dhan ah Amniga iyo qalqal-galinta shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Wasaarradd waxaa ay sheegtay in Mukhtaar Rooboow bilaabay in uu magaalada Baydhabo soo galiyo hub iyo dagaalyahanno isaga taabcsan taasoo muujineysa ayaa lagu yiri qaraalka in wali uu ku taagan yahay fikirkiisii hore ee Xagjirnimo ugu danbeyntiina dowladda federaalku go’aansatay in ay maanta oo ay taariikhdu tahay 13 Dec soo xidhto.

Akhriso Qoraalka Wasaarradda Amniga :

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker