Somaliand: Soddon Sannadood Buu Cadowgii Ku Dul Meehanaabay

Waar, dadkii iyo dalkii nabad ma ku baraarugeen,
Waar, qorraxdii ma soo baxday,
Waar, caalankii Somaliland ma ka dul babinayaa dalkoo dhan,
Waar, haday weli sidaa tahay maxaa iga galay meehanaabka cadowgeena,
Soddon sannadood bay kuwan leh “Somali midnimmo” ee runtiina ah cadowga ugu waaweyn ee Somaliland leedahay, oo ka kooban faqashtii la eryay iyo dabo dhilifyadoodii, lahaayeen, ” wataa Somaliland burburtay”.
 Bal dadyahow, wixii jab kaga doonaya maxaad wakhtiga ugu lumin oo aad  kala hadli?
Ma kuwa ilaa iyo 1960 ka cabaadda wixii horumar ah ee ay Somalialand gaadho?
Ma kuwii lixdankii wax walba Xamar ula cararay, oo ilaa iyo maantana sidaa doonaya?
Ma kuwii haddii dekedda Berbera ama laamiga ilaa Ceerigaabo la dhiso cabaadaya ayeynu wax kala ka filaynaa?
Waa maya.
Hadaba, maxa isugu keen hadhay Soomaaliya, oo aan ahayn, ” Ilmaadeerayaal aynu xisaabtanno, ka dibna kala socon”?
Weligeed  ba la lahaa ciidan bay Soomaaliya dhisaysaa , oo Turkish iyo hebel baa tababaray, kuwii Midowga Soofiyeeti iyo Mareykankaba tababarayba meeshay mareen waa la ogyahay. Waxaa la yidhaahdaa dhallinyarta ayaa loo haadinaya oo Muqdisho loogu yeedhadayaa, kuwii curdun ah, ee caqli yari, iyagaa soo arki beenta iyo dulmiga, doqon lixdan jir ah saaxiibadii habeen lagu xasuuqay xeebta Jasiira ayaa Xamar maanta fadhiistay? Somaliland waxaa iyo kuwaas oo dhan, waxba uma noqoto.
Samo Ku Waar
Allaa Mahd Leh
Axmed Khyre

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker