Kulan Balaadhan oo Muqdisho ku dhexmaray Gudoomiyaha Mursal iyo Xasan Sheekh , Sheekh Shariif iyo ujeedka

Muqdisho (OWN) – War hadda nasoo gaadhay ayaa sheegaya in uu kulan u socdo guddoomiyaha golaha Shacabka iyo Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, oo hadda Hogaamiya Madasha Xisbiyada Qaran.

 

 

Kulankan oo ka dhacay Hoyga uu Gudoomiye  Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ka Degan Yahay Magaalada Muqdisho ayaa dhexmaray  Madaxwaynayaashii  hore ee Somalia Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, Xogahan oo ay Warbaahinta Oodwaynemedia ka Helayso Magaalada Muqdisho ayaa  Lagaga hadlay doorashooyinka Soomaaliya iyo sidii ay waqtigooda ugu dhici lahaayeen.

 

 

Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Mursal u gudbin doona mowqifka Madasha ee ku aadan in doorashada waqtigeeda ku dhacdo iyo sida ugu habboon looga gudbi karo marxalada kala guurka ee uu dalku galayo.

 

 

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Kulankan ayaa ah mid qorsheysan oo Madaxweyanyaashii hore si gaar gaar ah ula yeelanayaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka, waxaana ay ku hormareen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

 

 

Kulanka ayaa imanaya ayada oo uu jiro walaac xooggan iyo warar sheegaya in guddoomiye Mursal uu madaxweyne Farmaajo ka ogolaaday muddo kororsi, kadib cadaadis xooggan oo la saaray.

 

 

Muddo kororsiga ay damacsan tahay Villa Somalia ayaan hir-geli karin haddii uusan ogolaan guddoomiye Mursal, waxaana wararku ay sheegayaan in Mursal lagu cabsi geliyey inuu kursigiisa xildhibaannimo weyn doono, haddii uusan aqbalin qorshaha madaxtooyada.

 

 

Mursal ayaa waxaa deegaan doorashadiisa ay tahay Koonfur Galbeed, oo uu madaxweyne ka yahay Cabdicasiis Lafta-gareen oo laga maamulo Villa Somalia, islamrkaana aqbali doona dalab kasta oo uga yimaada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker