Wasaaradda Amniga Dawladda Soomaaliya Oo War Kasoo Saartay Weerarkii Lagu Qaaday Xarunta QM.

Muqdisho-(OWN)-Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay hoobiyeyaal kooxda Al-Shabaab ay shalay ku weerartay xarunta Xalane ee ay degan yihiin shisheeyaha ku sugan Soomaaliya.

Weerarkaas ayaa QM ay sheegtay in laba ka mid ah shaqaalaheeda ay dhaawacyo kasoo gaadheen.

Qoraalka ayaa lagu yidhi “Wasaaradda Amnigu waxay cambaaraynaysaa falkii foosha xumaa ee ururadda argagixisadu hoobiyayaal ugu soo tuureen Xarunta Xalane. Waxay aad uga xuntahay in weerarkaas ay ku burbureen hanti, waxyeelona ka soo gaadhtay shaqaalahii joogay xarunta Qaramada Midoobay. Waxay caafimaad u rajaynaysaa dhamaan dadkii ku waxyeelobay dhacdadaa.

“Waxay dabagal iyo baadhis ku haysaa dadkii geystay falka. Waxay la socodsiinaysaa shacabka Soomaliyeed in ay gacan ku soo dhigi doonto dhamaan cidi ka dambaysay falkaa foosha xun, lana wadaagi doonto natiijada badhista” ayaa qoraalka uu intaas ku daray.

Halkan Hoos Ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker