Xamaas oo sheegtay inay diyaar u tahay kordhinta xabbad joojinta

Saaka, Xamaas waxay muujisay rabitaankeeda ay ku doonayso in la kordhiyo xabbad joojinta Qaza muddo afar maalmood ah, iyo inay sii socoto maxaabiis is waydaarsigu, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhaqdhaqaaqa.

Xamaas ayaa sidan ku wargelisay dhexdhexaadiyeyaasha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Faransiiska, waxayna xaqiijisay inay awood u leedahay inay sii deyso tiro maxaabiis ah oo Israa’iili ah oo ay gacanta ku hayso, iyadoo la raacayo shuruudaha xabbad jooojinta iyo saamiga halkii qof ee Xamas sii deysaba in loosie daayo saddex falastiiniyiin ah.

Madaxa Mossad sirdoonka Israa’iil Dedi Barnea iyo madaxa CIA-da Maraykanka William Burns ayaa kulan qarsoodi ah kula yeeshay magaalada Doha Ra’iisul Wasaaraha Qatar, waxayna ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa xabad joojinta u dhaxeysa Israa’iil iyo Xamaas.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Mareykanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay tallaabadan, oo sidoo kale lagu dari doono heshiis weyn oo is dhaafsi ah oo ay ku jiraan askar la qabtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker