Mozambique oo baareysa geerida safiirka Ruushka u fadhiyay dalkooda

Dowladda Mozambique ayaa sheegtay in ay kala shaqeyneyso madaxda Ruushka baarista waxa sababay geerida Alexander Surikov oo ahaa safiirka Ruushka u fadhiya dalkooad.

Surikov oo 68 jir ahaa ayaa ku geeriyooday sabtigii deegaankiisa rasmiga ee caasimadda Mozambique sida ay sheegeen warbaahinta gudaha. Sababta uu geeriyooday safiirka ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn

Warbaahitna gudaha ayaa sheegtay in xafiiska dacwad oogaha guud ee Mozambique ayaa sheegay in aysan la socon warka sheegaya in Ruushku diideen in meydka safiirka lagu sameeyo baaris.

Madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi ayaa sheegay in geerida safiirka ay tahay dhaawac weyn isagoo ku tilmaamay inuu ahaa diblomaasi weyn oo tayo gaar ah lahaa.

Alexander Surikov waxa uu noqday safiirka Mozambique ee Ruushka 2017-kii

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker