Nin saddax qof dilay oo lagu xukumay in uu isbitaal ku jiro muddo aan la cayimin

Valdo Calocane waxa uu dilay labo nin iyo gabar 13-kii June sanadkii hore. Waxaa lagu xukumay in isbitaal uu weligiis ku jiro kaddib markii dacwad oogayaasha ay aqbaleen codsiga ah in uusan geysan dil uu ku talogalay.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa ku tilmaamay in xukunka nin ku dilay saddax qof magaalada Nottingham uu ahaa mid la khafiifiyay.

Balse madaxa cadaaladda UK Baroness Carr ayaa ku soo gabogabeysay kiiska in aysan jirin wax khalad ah habka dacwadda loo qaaday bishii Janaayo,

Mr Wabber hooyadii ayaa sheegtay in aysan layaab ku noqon racfaanka maxkamadda, ayna tahay in nidaamka cadaaladda UK lagu sameeyo dib u qaabeyn.

Calocane oo ah ninka dilka geystay waa 32 jir, inta uusan dilka geysan ka hor laga helay xanuunada dhimirka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker