Ma Dhabaa Ina Cabdulle Xasan Waa Gabyi Jiray?. Q.6aad.

Waxa ka mid ah isna gabayada la siiyay ina Cabdulle Xasan gabayga “ Jidka Adari Loo Maro” gabaygaas Aw Jaamac Cumar Ciise wuxu yidhi waxan ka qoray nin la odhan jiray Cabdi Axmed Tuuhe. Hasayeeshee gabaygaas laftiisa  Siciid Cawaale wuxu u mariyay Enrico Cerualli 1916 tuducyo ka mid ah , isagoo sheegaya inu ahaa gabay ay soo tiriyeen xirtii Daraawiishtu ama gabayaagii Wadaadku watay.Wuxuu Siciid yidhi waxay daraawiishtu soo tiriyeen gabaygan markay colkii Amxaaradana iska caabiyeen , Swayne Cawarana isha dhaawac ka gaadhay dagaalkii Beerdhiga ee 1902dii. Waxa gabaygan xiligaas Enrico ka qoray 5 tuduc. Tuducyada labada gabay inkastoo ay u dhaxaysay qoristootda mudo ka badan 50 sanadood wax weyn tuducyadu kuma kala duwana , midhka se ay ku kala duwanyiin waxa weeye halku gabaygii hore ee la qoray waagay Daraawiishi jirtay ee laga soo wariyey Siciid Cawaale tuduca ugu danbeeya ahaa wadar ( u fiirso Ma Nihin) :

 

Alleylahae Islam ma nihin amarku waa beene.

 

Ka Aw Jaamac Cumar Ciise waa tuduc aan wadar ahaan hadalku ahayn oo u qoran sidan ( u fiirso ah iyo ihiyo) :

 

Allaylehe islaan baan ihiyo, umalku waa beene.

 

 

Gabayga oo asalkiisu sidu Siciid Caawale u sheegay yidhi Daraawiish baa wadar ahaan ku dhaaranaysay ayaa Aw Jaamac Cumar Ciise ama dadkii u sheegay naxwii gabayga u badaleen mid fardi ah oo nin kaliya tiriyay, si ina Cabdulle Xasan loogu sheego. Labada gabay ayagoo isku xiga kii hore iyo kii danbe , ka asal ka ahaa ee daraawiishti tirisay wadar ahaan naxwo ah ka muuqato , ka Aw Jaamac Cumar Ciise qorayna ka muuqato gabay hal nin oo fardi ah tiriyeen , waa kuwan isku xiga.

 

 

Sidu Siciid Cawaale ugu mariyay Enrico Cerualli 1916.

 

Saraakiisha ooriyadi hadaanay Cadan ka awlaynin

Cawar iyo dhashii hadaanan wada unuun goynin

Meesha iyo Imey hadaanan weerar ku eekaynin

Jidka Adari loo maro hadaynaanu awlxayada geynin

Bulxaar dusheedi hadaanay lagaga ugaadhsiinin

Alleylahae Islam ma nihin amarku waa beene.[1]

 

Sidu Aw Jaamac yidhi wuxu ka qoray Cabdi Axmed Tuuhe.

Jidka Adari loo maro haddaan, laga ugaaroobin
Meesha iyo Iimey haddaanan, weerar ku ekaynin

Bullaxaar agteed iyo hadaan, Awdal laga yaacin
Ooryaha Amxaaradu haddaanay, Cadan ka awlaynin

Allaylehe islaan baan ihiyo, umalku waa beene.

 

 

Burburkii dalka ka dib waxa dib loo habeeyay buugaagtii hore ee Aw Jaamac Cumar Ciise iyo Idaajaa ka qoreen Maxamed Cabdulle Xasan. Daabacaadii 1976 Taariikhda Ina Cabdulle Xasan iyo Darawiishta iyo 1974kii ee Diiwaanka, laba daabacaad oo danbe ( 1999 iyo 2005) ayuu Aw Jaamac dib ugu habeeyay Jabuuti[2]. Nimankaas oo haddba siday doonaan iyo halkay doonaan u jeediya Suugaanta iyo Taariikhda Darawiishta ayaa ayagoo iska dhaadhicinaya kaligii taliyaha Jabuuti maamula ee Ismaaciil Cumar Geele iyo beeshiisa, ayaa gabayga Cali Jaamac Haabiil loo tiriyay ayuu tuduc yar oo reerkaa Ciisaa lagu aflagaadeeyay u duway dhinaca Isaaqa, maadaama kharashka iyo xoolaa lagu bixnayo Taariikhda ina Cabdulle Xasan , Ismaaciil Cumar Geeli bixiyanaayey.

 

In mudo ah ayaa Aw Jaamac Cumar Ciise, Axmed Cali Faarax Idaajaa, Cabdiqaadir Xirsi Yamyam marti u ahaayeen ninkaas Ismaaciil Cumar Geele. Barnaamijiyo ay daadihinayaan suxufiyiin reer Jabuuti ah ayaa nimankaas sedexda ah todobaad kaste barnaamij laga duubi jiray, barnaamij la odhan jiray Tixmaal, ayadoo taariikhahaasi tahay wixii aaynu hore uga maqli jirnay Radio Muqdisho iyo Akaamdiyadii Fanka iyo Suugaanta ama Dhaqan ka, ee dalkii hore ee Jamhuuriyadii Soomaaliyeed. Xirsi Yam Yam oo loogu bartay qabyaalad iyo hiil reernimo waagi dawladii adeerkii Maxamed Siyad Bare, Idaajaa oo qalinduuryaasha hormood ka ah iyo kabiir koodi Aw Jaamac.

 

Markii Diiwaankii Ina Cabdulle Xasan Jabuuti lagu daabacay ayaa waxa soo baxaday in gabaygii loo tiriyay Cali Jaamac Haabiil ee Hanfi Iyo Hunguri, oo tuducan ka mid ahaa :

 

Ciisaha baqtiga hiigaayiyo, haqay Midgaan baa leh.

 

 

Tuducaas Aw Jaamac faafaahin raaciyay oo u leeyay Ciisaa loo jeedaa waa Ciise Muusaa Isaaq ee ma aha Ciise. Daabacadiisii 1974 ee isla buugaas iyo gabaygaas faahfaahintaas reerka Ciise lagu macnaynayo Aw Jamaac ma raacin, hada se maadaama dawlada Jabuuti madbacadeeda qaran buugaagtii Aw Jaamac dib u daabacayso ayaa Aw Jaamac ku kaliftay in taariikhda u badalo si u raali galiyo Ismaaciil Cumar Geele.

 

Gabayga se Ciise iyo Geedaburi ba waa isku xigaan oo Soomaali oo dhan baa ogayd cida loola jeedo oo waagii hore faahfaahin uma baahnayn, Ciise iyo Ciise Muuse na wax laysku qaldo ma noqon karto oo reerna laba magac ayaa isu raaca reerna hal magac, meel Ciise Muuse lagu sheegayo Ciise kaliya na suugaanta kuma jirto ba. Gabayga sidu Daahir Afqarshe oo Aw Jaamac kala tashan jiray gabayada kana sixi jiray sidu u mariyo waa muran l’a in tuduca Ciise loola jeedo:

 

 

Tuducyada gabaygani asal ahaan oo Daahir Afqarashe oo Aw Jaamac mar kaste kala tashaan jiray habka loo dhigayo gabayada laftiisu wuxu u tiriyaa gabayga sidan:

 

Sidu u mariyo Aw Daahir Afqarshe.

 

Harag uraya Muuse Carrihii, hoodhi jiray baa leh
Hadduu niriggu heeryada ka rido, hoogay! Arab baa leh

Xaal hadura Habaryoonis iyo, Herer nin joogaa leh
Hilbo qudhun ah Gedabursigii haysan jiray baa leh[3]

Ciisaha baqtiga hiigaaya iyo, haqay Midgaan baa leh
Huuraale Cali Jaamac. iyo, huluq dameer baa leh.

 

Mar qudha ma aha ee marar badan ayaa Aw Jaamac iyo xirtiisu taariikhda suugaanta ama ta Daraawiishta siday doonaan u tebiyaan ayadoo mar kaste ka muuqato qabyaalad iyo reernimo. Gabayga Ismaaciil Mire ee “ Anagoo Taleex Naal” Siciid Sheekh Samatar oo gabaygaas ka duubay Maxamed Xaaji Xuseen oo ku naanays dheeraa Sheeko-Xariir 1977kii wuxu u mariayay gabayga sidan.[4]

 

 

Sidii teysa roob oo onkoday tininigtii yeedhay;

Talaxumada awrkuu u xiray baqe taraarsiinnay;

Girligaanka meeshuu turqaday lagu tunsii geela;

Tirsan maayo uunkii tirmiyo gaala taabaca e;

Turjubaanadii iyo halkaa Koofi lagu toogay

 

Axmed Cali Faarax Idaajaa 1974 buugiisa wuxu u mariyay sidan.

 

Tirsanmaynin uunkii tirmi iyon, tulushle Iiddoore
Turjubaannadii daba socdiyo, Koofi lagu toogay.[5]

 

Sidaas oo kale gabayga “Bal Dayooy” ee la yidhi waa gabaygii ugu danbeeyay Ina Cabdulle Xasan ama se mid ayaa ka danbeeyay waxa laga helayaa tixda Aw Jaamac eriga “ Idoor” tuduc u ku jiro halka Xaaji Muuse Galaal buugiisii u daabacay 1964kii gabaygaas aanu erigaaasi ku jirin , Muuse Galaal sidu buuga ku sheegay wuxu gabaygaas ka qoray nin la odhan jiray Jaamac Darwiish[6] wuxuna ka saxay Cabdiraxmaan Sayyid[7].

 

Halku Aw jaamac Cumar Ciise sidan u qoray isla gabaygaas 1974kii.

 

Rayid wuxuu ku dabandeebayaa markaan, dirir u qiimaaye
Dabatoobka Iiddoora baan, deyrka ka eryoone
Bal dayooy maruun baan dawixi, digasho geeraare.

 

Gabayga isna loo bixiyay “ Dardaaran” waxa Muuse Galaal isna ka qoray oo ka saxay Cabdiraxmaan Sayid. Muuse Galaal sidan ayuu u tirinayaa.

 

Maxajabad daboollayd wuxuu, gaal dukhuulaayey

War caadhkii dahaadhnaa wuxuu, dubuq ku siinaayey

Gabdhahay dillaacsheen wuxuu, dhiigu dibiq leeyey.

 

 

Aw Jaamacna sidan ayuu tuducyadaas u marinayaa , isagoo laftiisa ka saxay Cabdiraxmaan Sayid.

 

Maxajabad daboollayd wixii, gaal u dukhuulaayey
Dabatoobka Iiddoor wuxuu, darayey caarkiisa

 

Dadka qaar baa odhan kara Muuse Galaal oo Isaaq ah eriyadaas waxa dhici karta inu ogaan uga saaray gabayga , se isla gabaygaas Dardaaran laftiisa eriga “idoor” Muuse Galaal waa ku marinayaa tuducyada ay ka mid yihiin intani:

 

 

 Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye

 Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine

 Sida doxorka Iidoor anaan, duud xamaal noqone.

 

Waxa jira isna gabay aad u caan ah oo ay yidhaahdaan wuxu ka mid ahaa gabayadii laga mariyay geelii Daboolane oo laga qaaday Habar Yoonis dhamaadkii sanadkii 1908dii . Geelaas colkii Daraawiishta Koonfur ee Bah-Geri qaadeen iyo raacdadii Habar Yoonis  waxay isku helleen Galaadi. Geeelaasi wuxu tiradiisu ahaa ilaa 380 halaad, inkastoo Diiwaanka Aw Jaamac iyo Af Qarshe ku buunbiinyaan ayagoo ku sheegay tirada geelaas ilaa 34 kun oo madax. Geelaas waxa ku dhintay niman maqaawiir ah oo geela ka daba duullay, Caaqil Axmed “Shire” Maxamed oo ahaa caaqi Muuse Care ahaa oo caan ah, waa caaqilkii 1899 kii geela Dariiqada qaaday Daraawiish oo markaas jirinba waxa kale oo isna lagu dilay Axmed Shire walaalkii.[8]

 

Gabayga loo bixiyay “ Xirsow Waa Naaqusnimo”  wuxu Aw Jaamac Cumar Ciise yidhi “Gabaygan waa gabayadii Siciid Maydh qoray muddo fog intay Daraawiishi dhaqanayd, Cabdullaahi Qarshe ayaa keenay 1957kii.” Aw Jaamac Cumar buugiisa Diiwaan ka oo ka kooban 120 gabay , gabaygaasi waa gabayga qudha ee u ka helay waraaqu u lahaa Sheekh Siciid Maydh, waa qodobka kuwaad ee ugu horayn shakiga keenaya , qodobka labaad na waxa weeye Sheekh Siciid Maydh gabaygan sababtu u kaydsaday oo uga doortay gabayada kale maxay tahay.?  Qodobka ugu mihiimsan ee sedexaad waxa weeye yaa loo tiriyay gabayagan,  Xirsi gu gabayaagu ku hal qabsanayo waa kuma?.

 

Aw Jaamac wuxu yidhi Xirsi gaasi ama waa Xirsi Kooshin ama waa Xirsi Axmed Amaan. Arintaas oo aad u yaab badana, Aw Jaamac akhristayaasha u sheegi mayo sababtu ugu maleeyay nimankaas iyo nimankaasi waxay ahaayeen ba, wuxu se ku odhanayaa hordhaca gabayga:

 

“ Niman ergo ah oo geela daba socda, madaxna uu u yahay Xirsi Kooshin, waraaqna ka sida Ingiriiska iyo nimankii geela lahaa oo wada jir ugu soo dhiibay, ayaa xarunta yimid, wax badan bay ku doodeen in geela looo celiyo/ Hase ahaatee, taa Sayidku waa diiday. Gabaygan waa go’aankii geel ugu dambeeyay oo uu diiddana ku caddeystay. Xujo wuxuu uga dhigay, inay dadkaasu gaala-raac noqdeen,”. [9]

 

Xirsi Kooshin wuxu ahaa odey Ciise Muuse oo Daraawiish ta ka mid ahaa, sabab loogu hal qabsan karo nin Daraawiish ta ka mid ahaa oo weliba lagu aflagaadeeyo isaga iyo beeshiisaba, amase u noqon karo ergo geel Habar Yoonis ma jiri karto marka la eego dhaqankii waagaas.

 

Ninka kale u sheegayna waa Suldaan Nuur Axmed Amaan walaalkii Xirsi Axmed Amaan oo isna Darwiishta ka mid ahaa oo u xarunta joogay, reer Axmed Amaan gebi ahaanba siday Daraawiishta udubka ugu taageen ba 1899 kii mar danbe reerkooda kuma soo laaban oo badankood waxay ku wada dhinteen xarunta, Geele Axmed Amaan, Suldaan Nuur Axmed Amaan, Xirsi Axmed Amaan iyo Suldaan Doolaal Suldaan Nuur oo xarunta Daraawiishta laga caleemo saaray 1907.

 

Hadaba waa kuma Xirsi-ga gabayga ku jira ee lagu hal qabsanayo?. Sababta Aw Jaamac Cumar Ciise gabaygan ugu waayay Xirsi Isaaq ah waxa weeye gabaygan asal ahaanba gabay Isaaq ku shaqo leh maaha. Gabaygan waxa la tiriyay 1907dii mar Caaqil Dhulbahnate ah oo la odhan jiray Xirsi Guuleed isaga iyo geeliisii iyo rag u watay ba u gacan galeen reero Daraawiish ta la xulufo ahaa. Xirsi Guuleed iyo Kaarshe Guuleed waxay ahaayeen walaalo , aad na waxay la coloobeen Daraawiishta , oo Kaarshe Guuleed gabayo dawr ah u mariayay Daraawiishta ayaa jira.

 

Markii Xirsi Guuleed u gacan galay Daraawiishta ayaa Badhasaab ka Muxamiyada ku simihiisii oo la odhan jiray MALCOLM JONES war bixin siday wax u dhaceen dawalada Ingiriiska ugu qorayaa.

 

“ ilaa hada wax war ah oo lagu qanco Xirsi Guuleed lagama hayo, waxa jira warar laysla dhex marayo oo sheegaya in Wadaadkii amray in la sii daayo, oonu hada xidhnayn , laakiin se weli u joogo xarunta Wadaadka. Xirsi Guuleed iyo colkiisu waxay raacdo ahaan u daba galeen col geel qaaday xagaa iyo Bohol Waraabe ( Bohul Warabur) halkaasna waa meeshii Daraawiishtu ku qabtay, nimankaas oo marmar la yidhi ciidanka geela qaaday ayaabay ku dhex jireen.

 

 Mar danbe ayaa ku simii Komiishionarka W. Malcolm Jones yidhi 

 

“ wax cadayn ah waan waayay in Wadaadku xidhiidh la lahaa nimankaas duulaanka abaabulay , haduu Xirsi Guuleed isagoo Caaqil50 dawaldeed maleeyay inay nimankaasi ahaayeen Daraawiish wuxu waajibkiisu ahaa inu Major O’Neill u soo sheego oo aanu colkaas daba galin ilaa Bohol Waraabe.” [10]

 

“ Waxaynu sugaanaaba waa Wadaadka haduu daacadnimo inagula dhaqmo. Haduu Xirsi Guleed iyo raggiisa iyo geela la dhacayba la soo celiyo , kalsoonidii waa soo noqonaysaa , wax looga cabsado in heshiisikii jabayna ma jiri doonto. Haday sidaas wax u dhici waayaan xidhiidhkii waxan filayaa inu meel cidhiidhiya marayo”.[11]

 

Sidaas u sheegay Jones wararku waxay sheegayeen in Xirsi Guuleed ay qabteen niman isla reerkiisa ah  ( Dhulbahnate ) oo Daraawiishta xidhiidh la lahaa. Gabayga laftiisa ayaa arimahaasi ka muuqdaan inay ahaayeen dad isku tol ah nimanka gabayada u tiriyay Xirsi Guuleed ee ku diganayay.

 

Gabayga Xirsiyow Waa Naaquisnimo 1908.

 

Xirsow waa naaqusnimo waxaad, niiq la leedahaye

Naxar lagu shid waa jaahil iyo, nararacdiisiiye

Noy baad tihiin aan qalbiga, nuurka loo geline

 

Wax ka niiqsan toban jeer kuwii, naaqurta lahaaye

Nasab haddaad tihiin gaaladaad, nici lahaydeene

Naxli baad ka dhigateen, halkaan narriga lahaaye

Nasteexadu waxay idinla tahay, naafacaan jirine

Ka nacawdu shaydaamadaad, nacam tiraahdeene

Naar-quutayaal iyo kufraad, Nebiyo mooddeene

Naarta waxaa idinku guri, nibirayaashiiye

Nasaarada waxaw taabacdeen, waa najuusnimo’e

Naagow tihiin Ferenjigii, noloshka dheeraaye

Nacalluhu kuwuu fuulay baad, daba nushlaysaane

Naamuuskiin wuxuu jabay markaad, nacabka raacdeene

Nacastooyo waataad dorraad, igula niiqdeene

Waxay naafay waa adinkiyo, nabarradiiniiye

Nafta igama goyseen haddaad, iga naxaysaane

Nasrigaan ku cayntaye tolnimo, iguma noolayne

 

Naxariista Eebbaan ku belay, naallo iyo khayre

Nabsaa idinka soo riday xaqaad, nugux ka siiseene

Geelaan naawilaayee sidii, naqa u eegaayey

Aan naalladuu diraye markaad, bogox ku nowsiisay

Oo aan nayaayiray markay, noobir soo hoyatay.

Anigaba wax badan baad lur li’i,igu naqdiirteene

Wax badan baad nijaas iyo afxumo igu nadiirteene

Wax badan baad nicmada Eebbahay,ila necbaateene

Nacnac weeye maantaad tolnimo,iga niyeysaane

Nasteexiyo wanaag iyo horaad nabad u diideene

Sidow soo naqaa hadal xun baad,igu nabaysaaye.

 

Nimankii colka ahaa ee hayay Xirsi Guuleed aakhirkii waa sii daayeen ayagoo isku khilaafay siidayntiisa , nimankii gabaygaa hore soo tiryay mid ka mid ah ama isaga laftiisiba oo madashii lagu sii daayay Xirsi Guuleed ka maqan ayaa gabaygan kale soo tiriyay:

 

 

Xirsigii candhada reer lahaa, caaqa inankiisa

 

Ee cuurarkeenni qirtee, ciiska weyn geliyey

Cidla aniga oo shalay ka helay, ma anan caynsheene

 

Caqlilaawayaaalow tolnimo, kuma ciseeyeene

Caarkiyo xiniinyaha magliga, kalama ceeseenee

Hilibkiisa waa cuni lahaa, caadaqaataha’e

 

Maantaan caddaaddiyo anoo, canuga oo wiila

 

Cawskii Nugaaleed ka badan, caalinkuu dilaye

Ma colbaad ahaydeen ragguu, ciirada u laayey

 

Nimaan ciilba qabin baa I diley, calaf-u-doonkiise

Casho keliya aad maqantahaa, cadad ku dhaafaane

Cadowgay ha jabo ee kobtii, Caliyo maan joogo!

 

 

 Waxa gabaygaas lagu weeciyay eriga Idoor oo bartii Daarood la galiyay ,  ha yeeshee arimihii kale ayaa is qaban waayay .

 

Tuduca asalkiisu wuxu ahaa:

 

Naasilo Xun baa lagu yaqaan nimanka Daaroode

 

Halkaas oo lagu sidkay reer iyo eri aan meesha ku jirin .

 

Naasilo xun baa lagu yaqaan, nimanka Iiddooree .

La Soco Q.7aad
Rashid Jaamac.
kayse78@hotmail.com


[1] CANTI E PROVERBI SOMALI NEL DIALETTO DEGLI HABÄ́R AUWÁL. Enrico Cerulli .1916.p.805

[2] Xarunta Cilmi Baadhista ee Jabuuti.

 

[3] Cajalad u duubay Aw Daahir Afqarshe.

[4] GABAY-HAYIR: A SOMALI MOCK HEROIC SONG By Said S. Samatar. Mahammad Haaji Huseen “Sheeka-Hariir” (Hereafter, Man of Beautiful Story), Fieldnotes, Mogadishu, February 13, 1977.

[5] Ismaaciil Mire . A.C.F. Idaajaa .1974.p.37

[6] Habar Jeclo , Axmed Faarax.

[7] A COLLECTION OF SOMALI LITERATURE MAINLY FROM SAYID MOHAMED ABDILLE HASSAN PREPARED BY M. H. I. GALAAL. P.27.

[8] Interview with various members of the Habr Yunis Burao On 21st May, 1909.

 

[9] Diiwaanka gabayadii Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamad Cabdille Xasan. 1856-1921.p.218.

[10] Intelligence Report on the movements of the Sayyid Mohamed and his followers No 18, December 1907:

[11] Intelligence Report on the movements of the Sayyid Mohamed and his followers No 18, December 1907:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker