Safaaradda Maraykanka ee Tanzania oo loo xidhay internet xumo

Safaaradda Maraykanka ee Tanzania ayaa la xiray muddo labo maalmood ah sababo la xiriirra internet xumida saameysay wadamo ku yaala Bariga Afrika.

‘’Sababo la xiriirra internet xumida baahsan, safaaradda way sii xirnaan doontaa,’’ ayaa lagu yiri qoraal safaaraddu soo dhigtay barteeda X ee horey loo oran jiray Twitter.

Waxa la baabi’iyay dhammaan balamadii safaaraddu qabatay maanta oo Talaado ah iyo berito oo Arbaco ah, waxana loo wareejiyay maalmo kale.

Safaaraddu waxay sii wadi doontaa in ay qabato codsiyada khuseeya dal ku galka iyo arimaha degdeg ah ee ku tacaluqa muwaadiniinta Maraykanka ah.

Internet xumida ayaa jirtay tan iyo subaxnimadii Axada, waxana wadamada ay saameysay kamid ah Tanzania, Kenya, Rwanda iyo Ugandha.

Sida ay muujisay warbixinta NetBlocks Tanzania ayaa ah dalka ugu daran ee internet xumidu saameysay wadamada Bariga Afrika.

Adeegga Internet-ka ee liita ayaa waxa loo aaneynayaa go’itaanka mid kamid ah xargaha badda hoostooda mara ee gobolka ku xira dunida inteeda kale, siina mara dalka Koonfur Afrika, sida uu BBC-da u sheegay khabiir ka faaloodo Internetka oo la yiraahdo Ben Roberts.

Isniintii, qaar kamid ah dalalka Bariga Afrika ayaa wali laga dareemayay internet xawaarihiisu hooseeyo, iyadoo qaar kamid ah shirkaddaha adeegga bixiya ay muujinayaan in aan si buuxda loo xalin ciladdii keentay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker