Xog sir ah oo la soo dusiyay oo sheegaysa in ciidamada Ruushku ay la kulmeen dhimasho badan
Xog dowladeed oo laga helay Ruushka, isla markaana la dusiyay, ayaa muujinaysa in ku dhowaad 500,000 oo askari oo Ruush ah ay dhinteen tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine.
Laanta BBC-da ee afka Ruushka ayaa falanqeysay diiwaanno dhimasho oo ay weeraryahanno dhanka internetka ah ka heleen Belarus iyo Ukraine, kuwaas oo muujinaya baaxadda khasaaraha ciidamada Ruushka.
Xogta ayaa tilmaamaysa in ku dhowaad 20,000 oo askari oo Ruush ah lagu dilay dagaallo lagu doonayay in lagu qabsado toban tuulo oo keliya, kuwaas oo tirada dadkoodu ka hor dagaalka aanay ka badnayn 12,000 oo qof.
Dowladda Ruushka ayaan ilaa hadda si rasmi ah u shaacin tirada askarta looga dilay ama looga dhaawacay dagaalka Ukraine.




