Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ciidamo u adeegsaday hor istaagga doorashada Ururka Qareennada Soomaaliyeed
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu ciidamada amniga u adeegsaday hor istaagga doorashada hoggaanka Ururka Qareennada Soomaaliyeed, isaga oo tallaabadan ku tilmaamay faragelin lagu hayo madax-bannaanida ururka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay khilaafka ka dhashay doorashada ururka ayaa sheegay inuu cambaaraynayo in ciidamo loo diro si qareennada looga hor istaago inay doortaan hoggaankooda.
Wuxuu sheegay in arrintani ay qayb ka tahay faragelin uu madaxweynuhu ku hayo hay’adaha madax-bannaan, isaga oo tusaale u soo qaatay khilaafkii dhowaan ka dhex qarxay madaxtooyada iyo Maxkamadda Sare, kaddib markii madaxweynuhu xilka ka qaaday guddoomiyihii maxkamadda, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan cambaaraynayaa tallaabada uu maamulka Xasan Sheekh ee muddo-xileedkiisu dhammaaday ciidamada ugu diray in uu Ururka Qareennada Soomaaliyeed ka hor istaago in ay hoggaankooda doortaan, Waa markii labaad ee uu ciidamada amniga u adeegsado inuu farageliyo hay’ad madax-bannaan. Maalin ka hor intii aanay Maxkamadda Sare go’aan ka gaarin muddo-kordhinta uu keligiis samaystay ayuu sheegay inuu xilka ka qaaday guddoomiyihii Maxkamadda Sare. Ciidamo amnina u diray maxkamadda si ay ula wareegaan agabkii maamulkeeda.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.
Siyaasigan ayaa ku dooday in adeegsiga ciidamada iyo awoodda dowladda ee arrimaha hay’adaha madax-bannaan ay saameyn ku yeelan karto muwaadiniinta doonaya inay xuquuqdooda ku raadsadaan maxkamadaha, gaar ahaan marka ay dacwad ka dhan ah dowladda gudbinayaan.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale dhaliilay wax-ka-beddelka Dastuurka iyo hannaanka doorasho ee dowladda, isaga oo ku eedeeyay madaxweynaha inuu faragelin ku hayo hay’adihii dowladda, isla markaana uu hadda cadaadis saarayo ururrada bulshada rayidka ah.
“Awood ku takrifalkan wuxuu si toos ah u taabanaysaa muwaadin kasta oo u baahan qareen ku dhiirrada inuu dawladda dacweeyo iyo garsoore xor u ah inuu dacwaddaas qaado, Xasan Sheekh wuxuu dalka ku kala qaybiyey wax-ka-beddelkii uu keligiis ku sameeyey Dastuurka, Wuxuu weli ku adkaysanayaa qabashada doorasho ku dhisan malxiis iyo marag-beenaale.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur
Wuxuu ka digay in haddii muwaadiniintu waayaan hay’ado madax-bannaan oo ay caddaalad ka raadsadaan, tabashooyinka siyaasadeedna aan wax laga qaban, ay taasi horseedi karto xiisado iyo isku dhacyo hor leh, isagoo yiri “Bal suurayso waxa dhici kara marka uu muwaadinku waayo hay’adihii uu caddaaladda u doonan lahaa, tabashooyinkiisa siyaasadeedna dhegaha laga furaysto. Maxaa diidaya inay tabashooyinkaasi isu beddelaan colaad iyo gacan-ka-hadal, sida hadda ka dhacaya Koonfur Galbeed iyo Hiiraan?”
Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo beegmaya iyadoo muran xooggan uu ka taagan yahay doorashada Ururka Qareennada Soomaaliyeed. Wasaaradda Caddaaladda ayaa soo saartay amar dhigaya in doorasho ku-meel-gaar ah lagu qabto muddo laba bilood gudahood ah, halka guddiga doorashada ururku uu ku adkaystay in doorashada hoggaanka la qabto 25-ka Nofeembar, sida markii hore loo qorsheeyay.




