Laba Qof oo Walaalo ah oo Ku Geeriyooday Barkad Biyood oo ku Taalla Koonfurta Hargeysa
Laba qof oo walaalo ah, wiil iyo gabadh, ayaa ku geeriyooday barkad biyood ku taalla deegaanka Xadhig-xadhig ee koonfurta magaalada Hargeysa, kadib markii ay ku hafteen biyaha barkadda.
War ka soo baxay Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidanku habeennimadii xalay soo saareen maydadka labada qof ee walaalaha ahaa.
Ciidanka ayaa sheegay in dhacdadu ka bilaabantay markii gabadha oo la noolayd xanuun dhinaca maskaxda ah ay ku dhacday barkadda, halka wiilka ay walaalaha ahaayeen oo isku dayay inuu soo badbaadiyana uu isaguna ku geeriyooday goobta.
Ciidanka Dab-demiska ayaa tacsi u diray qoyska iyo qaraabada ay ka baxeen labada qof ee walaalaha ah, iyaga oo Alle uga baryay inuu u naxariisto, ehelkoodana samir iyo iimaan ka siiyo.
Dhacdadan ayaa mar kale iftiiminaysa khatarta ka dhalan karta dayaca dadka la nool xanuunnada dhimirka, gaar ahaan marka aan loo helin daryeel iyo ilaalin ku habboon.
Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa ugu baaqay bulshada in aan carruurta iyo dadka qaba xanuunnada dhimirka aan lagu xidhin silsilado ama qufullo, balse la geeyo goobaha caafimaadka iyo daryeelka si looga hortago in ay naftooda halis geliyaan ama ay dhibaato kale la kulmaan.




