Xoghayaha difaaca Mareykanka oo loogu baaqay inuu xilka iska casilo

Joe Kasper, oo hore u ahaa madaxa shaqaalaha Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth, ayaa ku baaqay in Hegseth uu xilka iska casilo, isaga oo sheegay inuusan hadda awood u lahayn inuu si hufan u hoggaamiyo ciidamada Mareykanka.

Kasper ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska Politico, isaga oo dhaliilay habka uu Hegseth u maareeyay Wasaaradda Difaaca, dagaalka Iiraan iyo xil-ka-qaadista saraakiil sare oo milatari.

Wuxuu sheegay in awoodda Hegseth ee gudashada waajibaadkiisa ay sii wiiqantay, isla markaana uu dhawaan awoodi waayi karo inuu si wax ku ool ah shaqadiisa u guto.

“Sababtaas iyo arrimo kale awgood, waxaa la gaaray waqtigii Pete uu xilka ka degi lahaa,” ayuu Kasper u sheegay Politico.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xiriirka Hegseth iyo Kongareeska Mareykanka uu si weyn u dhaawacmay, isaga oo ku eedeeyay inuu gebi ahaanba burburiyay xiriirkii uu la lahaa sharci-dejiyeyaasha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker