Trump oo arrin uu sameyay kala kulmaya dhaleeceyn xooggan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wajahaya dhaleeceyn uga timid xildhibaanno ka tirsan labada xisbi ee Mareykanka, kaddib markii uu sheegay inuu ku qanciyay guddiga shirkadda Nvidia inay dib ugu soo celiyaan Jensen Huang xilka madaxa shirkadda.

Huang ayaa xilka iska casilay 12-kii November, kaddib warar sheegayay inuu xiriirro aan guur ku saleysan la yeeshay haweenay lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leedahay sirdoonka Shiinaha. Shirkaddu markii hore way diidday inay dib u soo celiso, balse Isniintii ayay ku dhawaaqday inuu xilka ku laabanayo.

Trump ayaa sheegay inuu la hadlay guddiga shirkadda, isla markaana uu siiyay dammaanad ah in Huang uusan khatar ku ahayn amniga qaranka Mareykanka.

Go’aanka ayaa dhaliyay su’aalo la xiriira madax-bannaanida guddiga Nvidia iyo suurtagalnimada in danaha maaliyadeed ee Trump ay saameeyeen faragelintiisa. Dukumentiyada maaliyadeed ayaa muujinaya inuu saamiyo ku leeyahay shirkadda.

Xildhibaanno ka tirsan labada xisbi ayaa dalbaday baaritaan ku saabsan arrinta, gaar ahaan xiriirka Huang, amniga qaranka iyo suurtagalnimada in tiknoolajiyadda casriga ah ee shirkadda ay gaartay Shiinaha.

Huang ayaa la filayaa inuu 1-da December hortago guddiyo ka tirsan Aqalka Wakiillada, halka 3-da December uu hor imaan doono guddiga bangiyada ee Aqalka Senate-ka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker