Maraakiib miinooyin lagula eegtay Marinka Hormuz iyo warar dheeraad ah oo laga helayo

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in saddex markab oo shidaal qaada, kuwaas oo ay ku tilmaameen inay jebiyeen xeerarka, ay miinooyin kula kaceen badda xilli ay marayeen marin-biyoodka Hormuz, taasoo sababtay qaraxyo iyo dab.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah maraakiibta uu shilkaasi ku qabsaday xeebta koonfureed, halka labada kale ay waxyeello ka soo gaartay bariga marin-biyoodka Hormuz, xilli ay helayeen ilaalin xooggan oo dhinaca cirka ah iyo galbin ay u sameynayeen ciidamada Mareykanka.

Dhanka kale, taliska ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka ayaa soo saaray hanjabaad, isagoo sheegay in marin-biyoodka Hormuz uusan ahayn meel lagu tijaabiyo marinno aan la oggolayn ama la iska indho tiro digniinaha badda.

Taliska Dhexe ee ciidamada Mareykanka CENTCOM weli kama uusan jawaabin sheegashada Iiraan.

Sidoo kale, Hay’adda Ganacsiga Badaha ee UK, oo warbixinno ka soo saarta shilalka badda, weli ma aysan soo sheegin wax shil ah oo dhacay shalay oo Isniin ahayd.

Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegtay inay goor dambe baahin doonto muuqaallo muujinaya qaraxyada iyo dabka la sheegay inay qabsadeen maraakiibta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker