Uganda oo su’aal gelisay joogitaankeeda Soomaaliya, Kadib ku dhowaad 20 sano oo dagaal ah

Taliyaha Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda (UPDF), Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa hadallo muran dhaliyey ka sheegay joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalkiisu uu ka daalay howlgalka Soomaaliya, isla markaana uu dhaliilay saameynta sii kordheysa ee Turkiga ku leeyahay dalka.

Jeneraalka ayaa hadalkiisa ku muujiyey in joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya uu ka mid yahay arrimaha uu walaaca ka qabo, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ciidamada Uganda ay qeyb ka ahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyaga oo hoos tegayey howlgaladii Midowga Afrika.

Kainerugaba ayaa sheegay in Turkigu aanu lahayn waxa uu ugu yeeray “dhiigga barakaysan ee Bachwezi”, isaga oo intaas ku daray in Uganda aysan dagaallo u gelin arrimo aan la xiriirin dhaxalka Bachwezi. Hadalkan ayaa loo fasirtay mid ka tarjumaya aragtidiisa ku aaddan doorka Turkiga ee Soomaaliya iyo isbeddelka saameynta quwadaha shisheeye.

Maxay tahay Bachwezi ee uu taliyuhu ku celcelinayo?

Bachwezi waa qoys boqortooyo oo taariikhi ah, kaas oo lala xiriiriyo boqortooyadii hore ee Kitara ee gobolka Harooyinka Waaweyn ee Afrika. Qoyskaasi wuxuu meel gaar ah kaga jiraa taariikhda iyo dhaqanka afka laga soo gudbiyo ee Uganda, waxaana qaar ka mid ah sheekooyinka dhaqameed lagu tilmaamaa inay ahaayeen hoggaamiyeyaal awood iyo maqaam sare lahaa.

Kainerugaba ayaa marar hore adeegsaday magaca Bachwezi isaga oo ku tilmaamaya astaan muujinaysa asalnimada iyo dhaxalka taariikheed ee Afrika. Waxa kale oo uu hore u sheegay in Soomaalidu ay xiriir la leeyihiin dhaxalkaas, taas oo hadalladiisa cusub siinaysa macne ka baxsan khilaaf milatari oo keliya.

Saameynta Turkiga ee Soomaaliya oo noqotay qodob muran dhaliyey

Turkiga ayaa sannadihii u dambeeyey ballaariyey iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada milatariga, amniga, dhaqaalaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Ankara ayaa Muqdisho ka hirgelisay xerada milatari ee TURKSOM, oo ah xarun weyn oo lagu tababaro ciidamada Soomaaliya, waxaana sidoo kale sii xoogeysanayey iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga.

Dhanka kale, iskaashiga milatari ee labada dal ayaa gaaray heerar cusub, iyadoo ay jireen dhaqdhaqaaqyo la xiriira diyaaradaha dagaalka F-16 ee Turkiga iyo iskaashi difaac oo sii ballaaranaya.

Jeneraal Kainerugaba ayaa u muuqda inuu diiradda saarayo waxa uu u arko in Turkigu uu ka faa’iideysanayo xaalad amni oo ay ciidamada Uganda sannado badan ka shaqeynayeen sugiddeeda, isaga oo hore u muujiyey sida uu uga xun yahay in dalal kale ay ka helaan faa’iidooyin siyaasadeed iyo dhaqaale howlgaladii ay Uganda dhiigga iyo hantida ku bixisay.

Hadalladan ayaa imanaya xilli Uganda ay bilowday dhimista iyo dib u celinta qaar ka mid ah ciidamadeeda Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay qeyb ka ahayd dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker