Ilmo saqiir ah oo 14 saacadood ku hoos jiray dhisme dumay oo isagoo nool laga soo bad-baadiyay
Wiil toddoba jir ah ayaa laga soo badbaadiyay burburka dhisme la degganaa oo ku yaalla magaalada Dymer, kaddib markii uu halkaas ku xayirnaa muddo 14 saacadood ah, kaddib duqeyn cirka ah oo ay Ruushku ka fuliyeen gobolka Kyiv, taas oo lagu dilay sagaal qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine.
Weerarku wuxuu dhacay aroornimadii Axadda. Madaxa maamulka gobolka Kyiv, Tymur Tkachenko, ayaa sidoo kale sheegay in haweeney 79 jir ah iyadana iyadoo nool laga soo badbaadiyay dhismaha dumay.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in saddex qof ay dhinteen, 13 kalena ay ku dhaawacmeen weerar kale oo shalay ka dhacay magaalada Vyshneve ee isla gobolka Kyiv. Weerarkaas ayaa lagu qaaday dukaan raashin.
Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in wiilka laga soo badbaadiyay magaalada Dymer uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, isla markaana loola cararay isbitaal.




