Dood adag oo ka dhalatay laba qof oo laga qabtay gudaha Mareykanka iyo hab-dhaqanka ICE
Xarigga laba muhaajiriin ah oo ay saraakiisha laanta socdaalka Maraykanka ee ICE ka qabteen garoonka diyaaradaha Seattle-Tacoma, xilli ay diyaarad u raacayeen Los Angeles, ayaa dhalisay caro iyo muran.
Labada qof oo u dhashay Mexico, Ricardo Larrando Mendoza iyo Sofia Hernandez Mejia, ayaa loo xiray inay waqtigii fiisahooda dhaafeen.
ICE ayaa sheegtay in rakaab kale ay farageliyeen oo weerareen saraakiisha markii Mendoza la xirayay. Waxay sidoo kale ku eedeysay Mejia inay saraakiisha ku shubtay qaxwo kulul, taas oo keentay in lagu soo oogo eedeyn weerar.
Shirkadda diyaaradaha ee Alaska Airlines ayaa sheegtay inaan hore loogu wargelin in saraakiisha amnigu imaanayaan, waxayna ku dhawaaqday inay baarayso dhacdada. Maamulka garoonka ayaa sidoo kale sheegay inuu ka xun yahay wixii dhacay.
Qareenka labada qof ayaa sheegay inaysan lahayn wax taariikh dembiyeed ah, isla markaana ay sharciga u hoggaansanaayeen. Qoyskoodu wuxuu sheegay in saraakiisha ICE, oo dhar caadi ah xirnaa, aysan aysan aqoonsan ka hor xarigga.
Guddoomiyaha gobolka Washington, Bob Ferguson, ayaa cambaareeyay hab-dhaqanka ICE, isaga oo sheegay in hay’addu ay faraha ka baxday oo waxa ay doontu sameynayso.




