Warar argaggax leh oo laga soo sheegay Khartuun iyo Qaramada Midoobay oo ka hadashay

Diyaarado aan duuliyaha lahayn ayaa duqeymo ka geystay xaafado la deggan yahay oo ku yaalla gudaha iyo hareeraha caasimadda Suudaan ee Khartoum.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in guryo ay burbureen, isla markaana dadku ay isku dayayaan inay soo badbaadiyaan xubno ka tirsan qoysaskooda oo ku hoos xanniban burburka dhismayaasha.

Isuduwaha Qaramada Midoobay ee Suudaan u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada iyo degganaanshaha ayaa sheegay in xarumaha Qaramada Midoobay ay waxyeello soo gaartay, iyadoo shaqaale ay gudaha ku jireen.

War-saxaafadeed ay soo saartay Qaramada Midoobay ayay ku sheegtay in dhismahaasi ku yaallay goob rayid ah, isla markaana dadka rayidka ahi aysan ahayn bartilmaameed sharci ah xilliyada dagaalka.

Khartoum waxaa gacanta ku haya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan, kuwaas oo dagaal kula jira xoogagga milatariga ah ee RSF (Rapid Support Forces) tan iyo bishii Abriil 2023.

Qaramada Midoobay ayaa marar badan dhaleeceysay labada dhinac, iyadoo ku eedeysay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo dilay in ka badan kun qof lixdii bilood ee ugu horreysay sannadkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker