Lix garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah dowladda u gudbiyey Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika
Lix garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah dowladda federaalka u gudbiyey Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika (EACJ), iyagoo ka cabanaya xil-ka-qaadistii Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, iyo xaaladda curyaamisay shaqadii hay’adda ugu sarreysa garsoorka dalka.
Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika ayaa 18-kii bishan Nofeembar soo saartay ogeysiis rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliya ku siisay 45 maalmood inay kaga soo jawaabto dacwadda, taas oo ay garsoorayaashu ku dalbanayaan in dib loo eego tallaabooyinkii laga qaaday hoggaanka garsoorka iyo caqabadaha hortaagan madax-bannaanida hay’adaha garsoorka.
Garsoorayaasha dacwadda gudbiyey ayaa kala ah Baashe Yuusuf Axmed, Saalax Sheekh Ibraahim Diblow, Cabdulqaadir Idiris Ciise, Dr. Abubakar Axmed Cali, Dr. Cabdifataax Xuseen Isaaq iyo Cabdicasiis Maxamed Yuusuf.
Ogeysiiska maxkamaddu wuxuu dowladda siinayaa muddo 45 maalmood ah oo ay ku soo gudbiso jawaabteeda, iyadoo haddii ay ku guuldarraysato inay ka jawaabto ay maxkamaddu awood u leedahay inay dacwadda sii waddo iyadoo aan jawaab ka helin dhinaca dowladda.
Dacwaddan ayaa salka ku haysa khilaafkii ka dhashay go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu 4-tii Nofeembar xilka kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, xilli maxkamaddu maalintii xigtay la filayey inay go’aan ka gaarto muran la xiriiray wax-ka-beddellada dastuurka iyo muddo-kordhinta hay’adaha dowladda.
5-tii Nofeembar, Maxkamadda Sare ayaa go’aamisay in wax-ka-beddellada dastuurka aan dib loogu dabaqi karin hay’adihii xilka hayey, iyadoo sheegtay in muddada xilka madaxweynaha ay dhammaatay 15-kii May 2026, halka muddada baarlamaankuna ku ekayd 14-kii Abriil.
Maxkamaddu waxay sidoo kale dhinacyada siyaasadda fartay inay muddo 30 maalmood gudahood ah ku heshiiyaan hannaan doorasho, isla markaana doorashooyinka lagu qabto muddo aan ka badnayn 90 maalmood.
Go’aankaas ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay xil-ka-qaadistii Guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed, iyadoo maxkamaddu sheegtay in madaxweynuhu aanu awood dastuuri ah u lahayn inuu keligiis xilka kaga qaado.
Hase yeeshee, 7-dii Nofeembar, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhaariyey Ibraahim Idle Suleymaan oo loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare, tallaabadaas oo sii xoojisay khilaafka u dhexeeya madaxtooyada iyo garsoorka.
U gudbinta dacwaddan Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika ayaa khilaafka ka dhex aloosan hay’adaha dowladda Soomaaliya u wareejinaysa heer goboleed, iyadoo lixda garsoore ay hadda raadinayaan xal sharci oo ka baxsan nidaamka maxkamadaha gudaha.
Waxaa la sugayaa jawaabta dowladda federaalka ee dacwadda, halka go’aanka maxkamadda gobolka uu noqon karo mid saameyn ku yeesha doodda ku saabsan madax-bannaanida garsoorka, kala-soocidda awoodaha dowladda iyo ku dhaqanka dastuurka Soomaaliya.




