Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabiley taliyaha Milatariga Turkiga

Sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay barta Faceboog ee Madaxtooyaddda Turkiga, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay taliyaha Ciidanka Milatariga Jamhuuriyadda Türkiye, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu.

Madaxtooyadda Soomaaliya waxay sheegtay in kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye,“sii adkeynta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh saldhig ciidan kaas oo sidoo kale uu tababar ku siiyo cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

Xiriirka u dhaxeeya Ankara iyo Muqdisho ayaa dhowr iyo tobbankii sane ee la soo dhaafay ahaa mid xooggan, marka la eego dhinacyada iskaashiga difaaca, taageerada, iyo maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker