Xuutiyiinta oo Sacuudiga ku eedeeyey inay beegsadeen doon siday dad rayid ah

Falaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa Sacuudiga ku eedeysay inuu weeraray doon ay saarnaayeen dad rayid ah, halkaas oo ay ku dhinteen 19 qof, xilli dagaalka sokeeye ee Yemen uu dib u billowday kaddib muddo ay xaaladdu degganayd.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta, Anis Asaby, ayaa cambaareeyay weerarka maanta dhacay, isaga oo sheegay: “Diyaaradaha dalkaas ayaa bartilmaameedsaday doon rayid ah oo ay saarnaayeen in ka badan 25 qaxooti ah, waxaana weerarka ku dhintay 19 qof, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.”

“Beegsiga dadka rayidka ah iyo qaxootiga waa dembi dagaal oo culus, waana xadgudub cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah ee bani’aadannimada iyo xuquuqda aadanaha.”

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa sidoo kale bartiisa X, ku sheegay in doontu ay ka soo ambabaxday deegaanka Ras al-Ara, kuna sii jeedday magaalada Hays ee koonfurta Yemen

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker