Xildhibaan Iiraani ah oo sheegay war culus oo ka jira gudaha dalkaas

Axmad Bakhshiish Ardestaani, oo ka tirsan Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka Iiraan, ayaa sheegay in qayb ka mid ah bulshada iyo ra’yul caamka Iiraan ay sii kordhayaan dadka taageersan in dalku helo hub nukliyeer ah.

Wuxuu sheegay in cadaadiska sii kordhaya ee Mareykanka uu sii huriyay doodda ku saabsan in Iiraan ay samaysato hub nukliyeer ah, isla markaana ay u muuqato in ra’yul caamka dalka uu ilaa xad diyaar u yahay in mowqifkiisa uu arrintan ku aaddan isbeddelo.

Axmad Bakhshiish Ardestaani,ayaa sheegay in inkastoo qaar ka mid ah dadka iyo kooxaha ay aaminsan yihiin in hubka nukliyeerku uu Iiraan u yahay hab ay ku xoojin karto awooddeeda difaac iyo ka hortagga weerarrada cadowga, haddana ay jiraan dad arrintan walaac iyo shaki ka qaba.

Wuxuu sheegay in dalalka saaxiibka la ah Iiraan, sida Shiinaha iyo Ruushka, ay kula talinayaan inay arrintan taxaddar ka muujiso, isla markaana aysan hadda u dhaqaaqin samaynta hub nukliyeer ah.

Sida uu sheegay, kooxaha taageersan in Iiraan ay yeelato hub nukliyeer ah ayaa aaminsan in tallaabadaasi ay kordhin karto awoodda dalka ee ka hortagga weerarrada cadowga.

Doodaha ku saabsan siyaasadda nukliyeerka Iiraan iyo suurtagalnimada inay ka baxdo Heshiiska Caalamiga ah ee Ka-hortagga Faafitaanka Hubka Nukliyeerka (NPT) ayaa sidoo kale sii xoogaystay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Dhowr mas’uul oo ka tirsan siyaasadda, milatariga iyo diinta ee Iiraan ayaa mowqifkooda ka dhiibtay arrintan, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah mawduucyada ugu waaweyn uguna muranka badan doodaha siyaasadeed ee dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker