Golaha Iskaashiga Khaliijka oo cambaareeyay hadallada Dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Imaaraadka Carabta
Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), Jaasim Maxamed Al-Budaiwi, ayaa si adag u cambaareeyay hadallada mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ololaha warbaahineed oo uu sheegay in lagu beegsanayo Dowladda Imaaraadka Carabta, xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi.
Bayaan uu Golaha Iskaashiga Khaliijku soo saaray 19-kii bishan November, ayaa lagu sheegay in Al-Budaiwi uu diiddan yahay waxa uu ku tilmaamay hadallo aan masuuliyad lahayn iyo olole warbaahineed oo waxyeellaynaya Imaaraadka Carabta, kuwaas oo uu sheegay in ay faafinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ayaa sheegay in Imaaraadku door muhiim ah ka qaato xoojinta amniga iyo xasilloonida, iyo dhiirrigelinta wada-hadallada u dhexeeya dalalka. Waxa uu tusaale u soo qaatay martigelinta Imaaraadka ee wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadallada Ruushka iyo Ukraine, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muujinaysa doorka Abu Dhabi ee dadaallada nabadda iyo amniga caalamiga ah.
Al-Budaiwi ayaa intaa ku daray in eedaha loo jeedinayo Imaaraadku ay wiiqayaan dadaallada uu dalkaasi ku doonayo xoojinta wada-hadalka iyo iskaashiga heer gobol iyo heer caalami. Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in dalalka xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijku ay si wadajir ah u diiddan yihiin olole kasta oo warbaahineed oo lagu dhaawacayo mid ka mid ah dalalka xubnaha ka ah, isla markaana aanay arrimahaasi saamayn doonin doorkooda ku aaddan taageeridda nabadda iyo xasilloonida.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn u adkaysay mowqifkeeda ku aaddan Imaaraadka Carabta, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud khudbad uu jeediyay ku eedeeyay Abu Dhabi inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, taageerto maamullada gobollada, isla markaana ay heshiisyo dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo la gasho maamulladaas iyada oo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka. Eedahaas ayuu Imaaraadku hore u diiday.
Khilaafka ayaa sii xoogaystay Khamiistii, kaddib markii Golaha Wasiirrada Soomaaliya uu go’aamiyay in safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho uu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah, halka safiirka Soomaaliya ee Abu Dhabi dib loogu yeedhay wadatashi. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa tallaabooyinkaas ku sababeeyay waxa xukuumaddu ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa iyaduna cambaaraysay tallaabooyinka Dowladda Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay kuwo sii hurinaya xiisadda dhaawacayana xidhiidhka labada dal. Abu Dhabi waxay sheegtay in safaaraddeedii Muqdisho la xidhay, diblomaasiyiinteediina dalka lagala baxay bishii Janaayo 2026, kaddib tallaabooyin ay ku tilmaantay kuwo cadowtinimo ah oo ay qaaday dowladda Soomaaliya.
Khilaafkan diblomaasiyadeed ayaa salka ku haya muran muddo soo jiitamayay oo la xidhiidha heshiisyada dekedaha, iskaashiga amniga iyo xidhiidhka Imaaraadku la leeyahay maamullada kala duwan ee Soomaaliya, iyadoo Muqdisho ku adkaysanayso in xidhiidh kasta oo dibadeed oo la xidhiidha dalka lagu maamulo hay’adaha federaalka, halka Imaaraadku difaacayo iskaashigiisa dhaqaale iyo amni ee uu la leeyahay dhinacyada kala duwan.




