Soomaaliya oo keligeed diidday qaraar Qaramada Midoobay ka soo saartay tacaddiyada haweenka

Soomaaliya ayaa noqotay dalka keliya ee codka diidmada ah ka dhiibtay qaraar ay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka soo saaray ka hortagga iyo ciribtirka tacaddiyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha, halka lix dal oo kale, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Ruushka, ay ka aamuseen codbixinta.

Qaraarkan oo Talaadadii loo qaaday guddiga khuseeya ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa taageeray 175 dal, iyadoo Soomaaliya ay noqotay dalka keliya ee ka horyimid, halka Argentina, Burkina Faso, Belarus, Cameroon, Mareykanka iyo Ruushka ay ka aamuseen.

Qaraarka oo ay soo diyaariyeen Faransiiska iyo Boqortooyada Midowday ee UK ayaa dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ugu baaqaya inay qaadaan tallaabooyin dhammaystiran oo looga hortagayo tacaddiyada nooc kasta leh ee ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha, kuwaas oo ay ku jiraan handadaad, weerarro iyo tacaddiyo ka dhaca goobaha internet-ka.

Waxa uu sidoo kale dalalka ku boorrinayaa inay dejiyaan sharciyo iyo siyaasado lagu ilaalinayo haweenka iyo gabdhaha, gaar ahaan kuwa la kulma aflagaaddo, sumcad-dil iyo hadallo nacayb ah oo lagu faafiyo baraha bulshada iyo aaladaha kale ee dhijitaalka ah.

Faransiiska oo soo bandhigay qaraarka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la tixgeliyo tacaddiyada ka dhaca internet-ka, isaga oo xusay in in ka badan kala bar haweenka ku nool qaar ka mid ah gobollada dunida ay la kulmeen tacaddiyo dhijitaal ah.

Warbixin uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay soo saaray bishii Agoosto ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 50,000 oo haween iyo gabdho ah lagu dilay sannadkii 2024-kii gacanta lammaanahooda ama xubno kale oo qoysaskooda ka tirsan.

Warbixintu waxay tilmaantay in tiknoolajiyaddu ay tacaddiyada haweenka iyo gabdhaha ku baahisay goobaha internet-ka, halkaas oo daba-galka dhijitaalka ah, basaasidda iyo handadaaddu ay mararka qaar gogol-xaar u noqdaan tacaddiyo jireed oo halis ah.

Dood dheer ayaa ka dhalatay qaraarkan ka hor codbixinta, iyadoo dalal kala duwan ay ka horyimaadeen ereyo la xiriira caafimaadka galmada iyo taranka iyo arrimaha ilmo iska soo rididda ee lagu xusay qaraarka.

Sidoo kale, waxaa la isku khilaafay wax-ka-beddel uu soo jeediyay dal doonayay in qaraarka lagu xiro mabda’a madaxbannaanida dalalka, balse soo jeedintaas waa la diiday.

Sagaal urur oo bulshada rayidka ah, oo ay ku jiraan Amnesty International iyo Human Rights Watch, ayaa horay uga digay in wax-ka-beddelkaasi uu wiiqi karo nidaamka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu uga gaabsaday taageeridda qaraarka, isaga oo sheegay inuu ka walaacsan yahay adeegsiga ereyada la xiriira caafimaadka galmada iyo taranka iyo ilmo iska soo rididda, kuna dooday inuusan jirin xuquuq caalami ah oo si gaar ah u aqoonsanaysa ilmo iska soo rididda.

Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay natiijada codbixinta, isaga oo sheegay in dilalka haweenka ee la xiriira jinsigooda ay yihiin dhibaato caalami ah oo u baahan in wax laga qabto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker