Garsoore Maraykan ah oo amray in qayb ka mid ah dukumentiyada baadhitaanka guriga Ilhaan Cumar la shaaciyo
Garsoore ka tirsan maxkamad federaali ah oo Mareykanka ku taalla ayaa amray in la shaaciyo qaybo ka mid ah dukumentiyada la xiriira baaritaankii ay hay’adaha federaalku 12-kii Oktoobar ka sameeyeen guriga xildhibaan Ilhaan Cumar ee magaalada Washington D.C., iyadoo xogaha qaarkood laga reebayo si loo ilaaliyo baaritaanka socda.
Garsooraha sare ee maxkamadda federaalka, James E. Boasberg, ayaa go’aankan gaaray Talaadadii, kaddib markii uu dhageystay doodaha ku saabsan codsiga warbaahinno Mareykan ah oo doonaya in dadweynaha loo furo dukumentiyada la xiriira amarkii baaritaanka guriga xildhibaanadda.
Garsooruhu wuxuu xeer-ilaalinta ku amray inay ugu dambeyn Jimcaha, 20-ka November, maxkamadda u gudbiso nuqullo dukumentiyada qaarkood ah oo xogtooda xasaasiga ah laga reebay. Dukumentiyadaas waxaa ka mid ah diiwaanka amarka baaritaanka, hase yeeshee warbixinta faahfaahsan ee lagu dalbaday amarka baaritaanka (Search Warrant Affidavit) ayaan qayb ka noqon doonin xogta la shaacinayo.
Maxkamaddu waxay qorsheysay in dukumentiyada la faafiyo ugu horrayn 23-ka November, wixii ka dambeeya 5-ta galabnimo, haddii aan go’aanka la hakinin. Warbaahinta codsatay in xogta la helo ayaa iyaduna haysata ilaa 30-ka November si ay uga jawaabto xogaha la doonayo in laga reebo.
Khilaafka ku saabsan shaacinta dukumentiyada
In ka badan 12 warbaahin oo Mareykan ah ayaa bishii Oktoobar maxkamadda u gudbiyey codsi ay ku dalbanayaan in la furo dukumentiyada baaritaanka, iyagoo ku dooday in arrintu tahay mid danta guud taabanaysa, maadaama baaritaan lagu sameeyey guriga xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka.
Dhanka kale, wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa ka hortimid in dukumentiyada si degdeg ah loo shaaciyo, iyadoo ku doodaysa in tallaabadaasi waxyeello u geysan karto baaritaan dembiyeed federaali ah oo weli socda.
Wasaaraddu waxay sheegtay in shaacinta qaybo ka mid ah dukumentiyada la tixgelin karo marka baaritaanka amarka maxkamadeed la dhammaystiro, isla markaana go’aan laga gaaro in dacwad rasmi ah la soo oogo.
Maxaa laga ogyahay baaritaanka guriga Ilhaan Cumar?
Wakiillo ka tirsan hay’adaha federaalka ayaa 12-kii Oktoobar baaritaan ka sameeyey guriga Ilhaan Cumar ee Washington D.C., iyadoo baaritaanka la sheegay inuu la xiriiray arrimo ku saabsan dukumentiyadeeda socdaalka.
Ilhaan Cumar ayaa hore u sheegtay in ilaa 25 sarkaal ay gurigeeda ku sugnaayeen muddo u dhexeysay afar ilaa shan saacadood, isla markaana ay la baxeen 17 shay oo ay ku jiraan dhowr taleefan, buugaag xusuus-qor ah oo uu lahaa seygeeda, kamarad iyo buug carruurta loogu talagalay oo ku qornaa afka Soomaaliga.
Xildhibaanaddu waxay su’aal gelisay muddada dheer ee baaritaanku qaatay, iyadoo sheegtay inaysan fahamsanayn sababta saraakiishu waqti intaas le’eg ugu qaateen baaritaan ay sida ay sheegtay inta badan diiradda ku saarayeen qalabka elektaroonigga ah.
Ilhaan Cumar ayaa beenisay inay wax khalad ah samaysay, waxayna baaritaanka ku tilmaantay mid siyaasadeysan. Ilaa hadda wax dacwad ah laguma soo oogin.
Go’aanka maxkamadda ayaa la filayaa inuu iftiimiyo qaybo ka mid ah xogta la xiriirta baaritaanka, inkasta oo faahfaahinta ugu muhiimsan ee lagu saleeyey codsiga amarka baaritaanka aan weli la shaacin doonin.




