War ka soo kordhay maraakiib ganacsi oo ku sugnayd marinka Hormuz
Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in laba markab oo shidaal qaada ay dab qabsadeen kaddib markii ay ku dhaceen miinooyin badeed, kuwaas ku qarxay, gudaha marin-biyoodka Hormuz.
War-saxaafadeed ay soo saareen Ilaalada Kacaanka ayaa lagu yiri: “Saacadihii la soo dhaafay, laba markab oo shidaal qaada oo marayay waddada koonfureed ee aan la oggolayn ee marin-biyoodka Hormuz ayaa la kulmay qarax aad u xooggan, kaddib markii ay ku dhaceen miino badeed.”
Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in maraakiibtani ay damacsanaayeen inay si “qarsoodi ah” uga gudbaan marin-biyoodka Hormuz, iyaga oo damiyay nidaamyadooda aqoonsiga iyo kuwa lagu ogaado goobta ay ku sugan yihiin.
BBC-da weli si madax-bannaan uma xaqiijin karto warkan.
Dhanka kale, Xarunta Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Britain ayaa maanta Axadda sheegtay in hay’adaha maraakiibta Hindiya ay soo sheegeen weerar lagu qaaday markab shidaal qaada oo ku sugnaa marin-biyoodka Hormuz.
Sida lagu sheegay warbixinta, markabka ayaa la weeraray isaga oo dhanka bari uga gudbayay Gacanka Faaris, ka hor inta uusan gelin marin-biyoodka Hormuz.
Iran iyo Mareykanka labaduba waxay sheeganayaan inay gacanta ku hayaan marin-biyoodka Hormuz.
Mas’uuliyiinta Iran ayaa si joogto ah uga digayay in waddada keliya ee ammaan ah ee looga gudbi karo marin-biyoodka Hormuz ay tahay tan ay iyagu cayimeen.




