Soomaaliya oo taageertay qaraarka Qaramada Midoobay ee lagu dalbanayo joojinta fulinta xukunka dilka
Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 133 dal oo taageeray qaraar Golaha Guud ee Qaramada Midoobay looga dalbanayo in la hakiyo fulinta xukunka dilka, kaas oo 13-kii November 2026 ay ansixiyeen Guddiga Saddexaad ee Golaha Guud.
Qaraarkan oo tirsigiisu yahay A/C.3/81/L.43 ayaa waxaa taageeray 133 dal, halka 33 dal ay ka horyimaadeen, 16 kalena ay ka aamuseen.
Qaraarka ayaa dalalka ugu baaqaya inay joojiyaan fulinta xukunnada dilka, iyadoo tallaabadan loo arko mid qayb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in mustaqbalka gebi ahaanba meesha looga saaro ciqaabta dilka.
Dalalka Islaamka intooda badan ayaa ka aamusay ama ka horyimid qaraarka, waxaana Soomaaliya ku wehelinayay Turkiga iyo Jabuuti dalalka taageeray. Malaysia, Indonesia iyo Urdun ayaa iyaguna ka gaabsaday codbixinta.
Dalalka diiday qaraarka waxaa ka mid ahaa Mareykanka, Shiinaha, Itoobiya, Hindiya iyo Sacuudi Carabiya.
Si kastaba ha ahaatee, taageerada Soomaaliya ee qaraarkan macnaheedu ma aha in dalka laga mamnuucay fulinta xukunka dilka ama qisaasta, maadaama qaraarka uu weli u gudbi doono Golaha Guud ee Qaramada Midoobay si loo sii tixgeliyo.
Qaraarka ayaa ku saabsan baaq caalami ah oo lagu doonayo in la hakiyo fulinta xukunnada dilka, mana aha heshiis si toos ah dalalka ugu waajibinaya inay baabi’iyaan ciqaabtaas.




