Senator Ted Cruz oo Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ugu baaqay in ay tallaabo qaado, oo aqoonsato Somaliland
Senator Ted Cruz oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa mar kale ku celiyey baaqiisa ku aaddan in Maraykanku si rasmi ah u aqoonsado madaxbannaanida Somaliland, isaga oo sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu si cad u muujiyey in Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin laba dal oo kala duwan.
Cruz ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ku sheegay in hadalka Trump uu yahay mid cad, isla markaana Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku ay tahay inay qaaddo tallaabooyin waafaqsan aragtida Madaxweynaha, kuwaas oo ay ku jirto aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland.
Senator-ku waxa uu sidoo kale sheegay inuu toddobaadkii hore su’aalo ka weydiiyey arrinta Somaliland Devin Kennington oo uu Madaxweyne Trump u magacaabay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay inuu u caddeeyey in ansixinta magacaabistiisu ku xidhan tahay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu horumar ka samayso jihada aqoonsiga Somaliland.
Cruz ayaa hore u muujiyey in aanu ku qanacsanayn siyaasadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee weli Somaliland ku darsanaysa siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya, isaga oo ku adkaystay in maamulka Maraykanku waafajiyo siyaasaddiisa xaqiiqada ka jirta Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.
Dadaallada Senator Ted Cruz ee ku aaddan aqoonsiga Somaliland ayaa muddooyinkii dambe si isa soo taraya u xoogaysanayey. Bishii Agoosto 2025, waxa uu warqad rasmi ah u diray Madaxweyne Donald Trump, isaga oo ka codsaday inuu Maraykanku Somaliland u aqoonsado dal madax-bannaan oo leh xuduudihii ay lahayd sannadkii 1960-kii. Warqaddaas waxa uu ku adkeeyey muhiimadda Somaliland u leedahay danaha amniga Maraykanka, gaar ahaan goobta istaraatiijiga ah ee ay kaga taallo Gacanka Cadmeed iyo doorkeeda la dagaallanka argagixisada iyo budhcad-badeedda.
Bishii Abriil 2026, Cruz ayaa mar kale arrinta aqoonsiga Somaliland ka hor keenay dood ka dhacday Koongaras-ka Maraykanka, isaga oo ku dooday in Somaliland ay tahay saaxiib istaraatiiji ah oo Maraykanku kala shaqayn karo amniga badda, la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta marinnada ganacsiga caalamiga ah. Bishii May ee isla sannadkaas, waxa uu mar kale ku baaqay in Washington si rasmi ah u aqoonsato Somaliland, isaga oo warbaahinta Fox News Digital u sheegay in goobta ay Somaliland ku taallo iyo rabitaankeeda iskaashi ay ka dhigayaan xulafo muhiim u ah Maraykanka.
Dadaalladaas waxa kale oo qayb ka ahaa kulan uu bishii Sebtembar 2026 Aqalka Capitol Hill ee Washington kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Kulankaas oo lagaga hadlay aqoonsiga Somaliland iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac, waxa uu Cruz ku celiyey sida ay uga go’antahay in Maraykanku aqoonsado madaxbannaanida Somaliland, isaga oo sidoo kale ku baaqay in Waaxda Arrimaha Dibaddu Somaliland ula dhaqanto si ka duwan Soomaaliya, gaar ahaan digniinaha safarka ee ay soo saarto.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa uga mahadceliyey Senator Cruz taageerada joogtada ah ee uu u muujiyo qaddiyadda Somaliland, isaga oo ku tilmaamay hoggaamiye mabda’ leh oo si hagar la’aan ah ugu ololeeya danaha Somaliland.
Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland tahay dal iskiis isu maamula, leh nidaam dimuqraadi ah, isla markaana diyaar u ah inuu Maraykanka kala shaqeeyo amniga gobolka, la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta. Waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay inay sii xoojiso iskaashiga Washington si loo helo nabad, xasillooni iyo barwaaqo wadaag ah oo ka hanaqaada Geeska Afrika.




