Israa’iil oo ku faantay in ay dishay ninki qorsheyay weerarkii 7-dii Oktoobar
Taliye sare oo ka tirsanaa Xamaas, kana mid ahaa dadkii qorsheeyay weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 lagu qaaday Israa’iil, ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo Israa’iil ka fulisay Qaza.
Garabka militariga Xamaas ee al-Qassam ayaa sheegay in Samir Abuu Yuunis, oo ahaa taliyaha cusub ee guutada Rafah, lagu dilay Sabtidii deegaanka al-Mawasi ee koonfurta Qaza. Saraakiil Xamaas ah ayaa xaqiijiyay dhimashadiisa, halka militariga Israa’iil uu sheegay inuu isaga bartilmaameedsaday.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in afar gantaal ay ku dhaceen teendho ku taalla xerada al-Waha, halkaas oo ay ku nool yihiin boqollaal barakacayaal ah, dabna uu ka kacay.
Ilo caafimaad oo ku sugan isbitaalka Naasir ayaa sheegay in halkaas la geeyay saddex qof oo dhaawac ah iyo meydka hal qof.
Militariga Israa’iil iyo hay’adda amniga gudaha ee ISA ayaa xaqiijiyay dilka Yuunis, iyagoo ku eedeeyay inuu isku dayayay dib u dhiska guutada.




