Madaxweyne Cirro oo shir lagu Marti qaaday oo Australia ka dhacayey ka baaqday, una diray Safiirka Somaliland ee Isreal.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaan ka qayb geli doonin shir-madaxeedka The “Jerusalem Post Australia Summit” oo 18 – 19-ka Nofeembar ka dhacaya magaalada Sydney, Australia.
Shirkan oo hore loo shaaciyey in martida ka qayb galaysa uu ka mid yahay Madaxweyne Cirro, oo lagu soo Marti qaaday, ayaa ka baaqday inuu shirkaas tago.
Shirkan ayaa waxa Somaliland ku metelaya oo ka qayb galaya Safiirka Somaliland ee Isreal Maxamed Xaaji, sida uu ku sheegay Bartiisa Facebook.
Qoraalkan ayuu ku sheegay Ambassador Maxamed Xaaji in shir-madaxeedkan oo diirada
lagu saarayo doodaha iyo is-weydaarsiga aragtiyaha ku saabsan maalgashiga, siyaasadda, diblomaasiyadda, hal-abuurka tiknoolijyadda iyo garaadka macmalka Israa’iil, iyo dunida iyo Australia ay sharaf weyn u tahay inuu si rasmi ah ugu metelo Jamhuuriyadda Somaliland.
Inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo dhinaca Xukuumadda ka Soo baxay oo ku saabsan sababta Madaxweynuhu uga baaqday ka qayb galka shirkan, haddana waxa Ilo dublamaasiyaddeed tibaaxeen in shirka oo ah mid aanay madax sarsare Dawladdo ka socdaa ka qayb galnay in ay la xidhiidho baaqashada Madaxweynuhu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker