Koonfurta Suudaan oo doorashadeedii ugu horreysay qabanaysa dhawaan
Koonfurta Suudaan ayaa sheegtay in ay qaban doonto doorashooyinkii guud ee ugu horreeyay taariikhdeeda bisha Febraayo ee sannadka dambe.
Doorashada ayaa markii hore loo qorsheeyay dhammaadka bisha Diseembar, balse guddiga doorashooyinka dalka ayaa sheegay in jadwalka wax laga beddelay, isaga oo aan faahfaahin ka bixin sababta dib loogu dhigay.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dalka uu isu diyaarinayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo Sabtida ka bilaabatay in ka badan 3,000 oo xarumood oo dalka oo dhan ah.
Doorashada ayaa dhowr jeer dib loo dhigay sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya madaxweyne Salva Kiir iyo madaxweyne ku-xigeenkii hore Riek Machar, kaas oo ku saabsan hirgelinta heshiiskii nabadeed ee soo afjaray dagaalkii sokeeye sannadkii 2018.
Dagaalkaas ayaa sababay dhimashada ku dhowaad nus milyan qof. Koonfurta Suudaan wax doorasho guud ah ma qaban tan iyo markii ay xornimada ka qaadatay Suudaan sannadkii 2011-kii.




