Trump oo sheegay inuu amray ku xigeenkiisa in uu diiradda saaro “musuqmaasuqa baahsan” ee ka jira gobollada ay Dimuqraadigu maamulaan
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan Mareykanku u baahnayn heshiis lala galo Iran. Waxa uu intaas ku daray in uu faray Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance in uu diiradda saaro “musuqmaasuqa baahsan” ee ka jira gobollada ay Dimuqraadigu maamulaan.
Farriin uu khamiistii ku baahiyay shabakaddiisa bulshada ee ‘Truth Social’, Madaxweyne Trump wuxuu sheegay inuu faray JD Vance inuu si buuxda u jeediyo dareenkiisa ‘musuqmaasuqa iyo dembiyada baahsan’ ee ka dhacaya magaalooyinka iyo gobollada ay gacanta ku hayaan Dimuqraadiga ee ku yaalla guud ahaan Mareykanka.
Trump wuxuu ku dooday in gobollada sida Minnesota, California, iyo Illinois si xun loo maamulo oo ay musuqmaasuq ka jiro, isagoo sheegay in bilyannaan dollar la xado bishii kasta.
Wuxuu sheegay in haddii hawlahaas dembiyada ah ee baaxadda leh la baabi’iyo, miisaaniyadda Mareykanka si degdeg ah loo isu dheellitiri karo.
Wuxuu ku eedeeyay in ‘musuqmaasuqu uu dhiigga kaga jiro hoggaanka Dimuqraadiga.’
Isagoo ka hadlaya Iran, wuxuu yiri, “Uma baahnayn heshiis aan la galno Iran. Maalmahaas way dheeraadeen oo way tageen. Waan haynaa lacagtooda, boqolaal bilyan oo dollar, waxaana gacanta ku haynaa marin-biyoodkooda [Hormuz].”




