Kulan muhim ah oo la filayo inuu ka dhaco Ruushka
Wakiillada gaarka ah ee Madaxweyne Donald Trump, Jared Kushner iyo Steve Witkoff, ayaa magaalada Moscow kula kulmi doona Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Kulankan ayaa imaanaya kadib markii ay labadaasi ergay ay wadahadallo socday muddo laba maalmood ah oo dhexmaray wakiillo ka kala socday Ruushka iyo Ukraine, kuwaas oo ka dhacay magaalada Abu Dhabi.
Wafdiga Mareykanka ayaa la filayaa inuu soo jeediyo in wadahadallada ku saabsan dagaalka Ukraine la ballaariyo, si ay uga qaybqaataan wakiillo ka socda dalalka Yurub.
Ilaa hadda, Ruushka ma muujin wax dan ah oo uu ku aqbalayo soo jeedintan.
Labada wakiil ayaa intaas kadib u safri doona Ireland, halkaas oo ay kula kulmi doonaan Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky. Madaxweynaha Ukraine ayaa horay wariyeyaasha ugu sheegay in dowladdiisu ay diiradda saarayso sidii horumar looga sameyn lahaa gaarista heshiis ka hor dhammaadka sanadkan.




