Dad ku dhintay weerar ay Israa’iil ka geysatay isbitaal ku yaalla Gaza

Ugu yaraan shan qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay duqeyn cirka ah oo Israa’iil ka fulisay dhisme ku yaalla Isbitaalka Nasser, ee koonfurta Marinka Gaza, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Gaza oo maamusho Xamaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gantaal laga soo tuuray diyaarad dagaal oo muddo kooban dul martay aagga uu ku dhacay dhisme ku yaalla isbitaalka, kaas oo ay ku yaalleen qaybaha qalliinka iyo daryeelka degdegga ah. Waxaa sidoo kale dhaawacmay 20 qof.

Dhakhtar qalliinka sameyn jiray ayaa la sheegay inuu ka mid yahay dadka ku dhintay weerarka oo dhacay subaxnimadii hore ee saaka.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in bartilmaameedku ahaa xubin sare oo ka tirsan Xamaas iyo dagaalyahanno kale oo isbitaalka u adeegsanayay “xarun ay ku agaasimaan dhaqdhaqaaqyada milatari iyo kuwa argagixisada”.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) iyo Hay’adda Ammaanka Israa’iil (ISA), ayay si adag ugu cambaareeyeen adeegsiga Xamaas ee “kaabayaasha rayidka iyo kuwa caafimaadka ujeeddooyin milatari”.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la qaaday tallaabooyin lagu yareynayo waxyeellada soo gaari karta dadka rayidka ah, oo ay ka mid ahaayeen adeegsiga hub si sax ah u hago bartilmaameedka iyo kormeerka cirka.

Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, isbitaalladu waxay leeyihiin ilaalin gaar ah, hase yeeshee waxaa marar badan la bartilmaameedsaday intii uu socday dagaalka Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker