Afhayeenka Milatariga Pakistan: Way naga go’an tahay ilaalinta amniga Sacuudiga iyo goobaha Barakaysan
Afhayeenka milatariga Pakistan, Sarreeye Guuto Ahmed Sharif Chaudhry, ayaa sheegay in sida ay Pakistan uga go’an tahay sugidda amniga, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Sacuudi Carabiya ay tahay mid aan marnaba isbeddelayn, isla markaana aan laga tanaasuli karin.
Wareysi uu siiyay wargeyska Carbeed ee Asharq Al-Awsat ayuu ku sheegay in la qaaday tallaabooyin lagu hirgelinayo waajibaadka difaac ee wadajirka ah ee Isbahaysiga Difaaca Wadajirka ah ee Maka. Isagoo intaa ku daray in tallaabooyinkani ay suuragelin doonaan in si degdeg ah Sacuudi Carabiya loo geeyo ciidamo milatari oo mideysan iyo awoodaha difaaca, haddii loo baahdo.
Sida uu sheegay, tallaabooyinkan waxaa ka mid ah kordhinta heeganka milatari, xoojinta isdhexgalka ciidamada, isdhaafsiga xogaha sirdoonka iyo isku-duwidda hawlgallada difaaca oo keliya.
Sarreeye Guuto Ahmed Sharif Chaudhry ayaa sheegay in ciidamo Pakistani ah ay horay u joogaan Sacuudi Carabiya, kuwaas oo halkaas ku sugan iyagoo fulinaya waajibaadyo kala duwan. Wuxuu sheegay in doorkooda ugu weyn uu yahay bixinta taageerada difaaca, ka qaybgalka tababarrada iyo dhoolatusyada milatari.
Wuxuu intaa ku daray in Pakistan ay sii wadi doonto taageerada kasta oo ay awooddo ee dhinaca difaaca ah oo ay siiso Sacuudi Carabiya, taas oo ay ka mid yihiin ciidamo, awoodaha difaaca, tababarro iyo taageero saadka ah.
Hase yeeshee, wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo tirada ciidamada Pakistan ee ku sugan Sacuudi Carabiya iyo goobaha ay ka hawlgalaan, isagoo sheegay in xogaha noocaas ah aan guud ahaan la shaacin marka ay timaaddo isbahaysiyada milatari.




