Shirkadda diyaaradaha Tanzania oo digniin soo saartay iyo su’aalo ka dhashay
Shirkadda diyaaradaha ee Air Tanzania ayaa uga digtay rakaabka suurtagalnimada dib-u-dhac ku yimaada duulimaadyada, isbeddelka jadwalka iyo beddelka waddooyinka ay diyaaraduhu maraan, inta u dhexeysa 7-da iyo 14-ka November 2026.
Shirkaddu waxay sheegtay in arrintan ay sabab u tahay matoorro laga soo saaray qaar ka mid ah diyaaradaha nooca Airbus A220 ka hor waqtigii loogu talagalay.
War ay soo saartay maamulka shirkadda ayaa lagu sheegay in duulimaadyada muddadaas qaarkood ay la kulmi karaan dib-u-dhac, isbeddel ku yimaada waqtiyada bixitaanka iyo carqalado kale.
Si kastaba, shirkaddu ma sheegin tirada diyaaradaha ay matooradooda saartay, mana faahfaahin sababta keentay in matoorada laga saaro xilligaan.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan isku-halaynta diyaaradaha Airbus A220 ee ay shirkaddu u isticmaasho duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Air Tanzania waxay la shaqeysaa afar diyaaradood oo nooca A220-300 ah, kuwaas oo midkiiba qaadi karo 132 rakaab ah, oo 12 ka mid ahi yihiin kuraasta heerka ganacsiga Business Class, halka 120-ka kalena ay yihiin heerka caadiga ah Economy Class.
Shirkaddu waxay noqotay tii ugu horreysay ee Afrika isticmaasha diyaaradaha Airbus A220, kaddib markii ay heshay diyaaraddeedii ugu horreysay bishii December 2018, tii labaadna bishii January 2019.




