Ilaalada Kacaanka Iiraan oo war cusub shaaciyey
Afhayeen u hadlay Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay in Iiraan ay ka faa’iidaysatay baaxadda dhulkeeda si ay u dhisto shabakad ballaaran oo saldhigyo iyo xarumo gantaallo oo dhulka hoostiisa ah, kuwaas oo lagu sameeyay khibrad gudaha ah.
Sida uu baaahiyey telefishinka Press TV, afhayeenka Ilaalada Kacaanka, Sarreeye Guuto Mohebbi, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Ciidanka Cirka iyo Hawada Sare ee IRGC ay “soo rideen 260 diyaaradood oo cadowga ah” intii uu socday dagaalka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Iiraan ay sii waday soo saarista gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, inkasta oo duqeymo cadowgu ay jireen, isla markaana ay ku guuleysatay in xarumaheeda wax-soo-saarka ay ka rarto dhulka dushiisa una wareejiso dhulka hoostiisa




